Home Afsomali Xildhibaan Cabdweli Qanyare oo si weyn loogu dhaweeyay Cadaado

Xildhibaan Cabdweli Qanyare oo si weyn loogu dhaweeyay Cadaado

Waxaa  magaalada Cadaado ee xarunta KMG ee Galmudug soo gaaray si weyna loogu soo dhaweeyay Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax oo kamid ah Baarlamaanka Waqtigiisa dhamaaday mar kalana u sharaxan in uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub.

Xildhibaanka Waxaa garoonka uga hortagay Waxgarad, Siyaasiyiin, Dhalinyaro iyo Haween ,kuwaa oo aad ugu faraxsanaa in Mr. Qanyare soo gaaro Magaalada Cadaado.

Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax oo ah Siyaasi caan ah saameyn badana ku leh Siyaasada dalka ayaa mar kale u sharaxan in uu kamid noqdo Baarlamaanka cusub, waxaana la saadaalinayaa in Musharax Qanyare uu mar kale kusoo bixi doono kursiga uu u taramayo.

Odayaasha iyo Ergada Beesha uu kasoo jeedo Musharax Xildhibaan Cabdiweli Maxamed Qanyare ayaa aad ula dhacsan waxqabadka Xildhibaanka intii uu xilka hayay, waxa ayna sheegeen in mar kale ay dooran doonaan Xildhibaanka .

Magaalada Cadaado ayaa la filayaa in dhawaan ka dhacdo doorashada Kursiga uu u tartamayo Musharax Cabdiweli Maxamed Qanyare Afrax, waxaana la tilmaamay Musharaxa in uu yahay ninka ugu cad cad ee kursigaasi u tartamaya.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.