Home Afsomali Xildhibaan Dhuubow oo gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyey in uu wado Abaabul...

Xildhibaan Dhuubow oo gudoomiyaha baarlamaanka ku eedeeyey in uu wado Abaabul ka dhan ah Xukuumadda Cusub

Cismaan Aadan Dhuubow oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya ayaa shegay in Abaabulka ka dhanka ah Golaha Wasiirada Cusub ee uu soo Magacaabay Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre  oo uu hoggaaminayo Guddoomiye Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari uu  yimid kadib markii xubno uu jawaari watay bedelkooda la qaatay kuwa kale oo uu watay Shariif  Xasan Sheekh Aadan Madaxweynaha Maamulka Koofur Galbeed.

Dhageyso Codka jawaari

Waxaana Xildhibaan Cismaan  Aadan Dhuubow uu wax laga xumaado ku tilmaamay in Guddoomiyaha Baarlamaanka uu  Qabiil u Ololeeyo sida uu hadalka u dhigay.

Sidoo kale waxa uu ka dhawaajiyay Xildhibaan Cismaan Aadan Dhuubow in wixii maanta ka dambeeyo ciddii u dhimata Abaarta uu Masuul ka yahay Guddoomiyaha Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Cali Xuseen Cali oo ka tirsan Waxgaradka Soomaaliyeed ayaa isna sheegay in Nasiib darro weyn ay tahay in Guddoomiye Jawaari uu caqabad ku noqdo Golaha Wasiirada Cusub.

Guddoomiye Jawaari ayaa  soo saaray Qoraal uu Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre uga dalbanayo in uu dib u eegis ku sameeyo golihiisa Wasiirada Cusub.

Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.