Home Afsomali Xildhibaan ha kaa Ahaado Mustaf Dhuxulow ama safar dheer hakaaga maqnaado!

Xildhibaan ha kaa Ahaado Mustaf Dhuxulow ama safar dheer hakaaga maqnaado!

Jiq ayay igu aheyd, wax aan sameeyo ayaa la’aa, xujo cad oo aan ka gudbi waayay ayaa i hor-tiilay, maskaxdaydu si aan caadi aheyn ayay u shaqeynaysay, xal inaan u helo arinta i hor-taallo ayaa wax walba igala weyneyd!

Abaarihii waa 9:00 subaxnimo, teleefankayga gacanta ayaa soo dhacay, walaal aan xushmo badan u hayo ayaa ila soo wadaagay inuu iiga baahan yahay Damiin, aqbal iyo hawraarsan ayaa ugu bishaareeyay!

Daqiiqado kadib, waxa aan tagay halkii Damiinta looga baahnaa, soo dhaweyn kadib, waxaa la igu war galiyay inaan kala fireeyo, waxaana si qabow la iigu sheekay inaan Damiin noqon karin!

”Wasiir, Xildhibaan, Agaasime Guud ama Generaal mooyee cid kale damiin ma ka aqbalno” ayuu igu yiri nin dhallinyaro ah oo ila hadlayay!

Niyad-jab ayaa ka qaaday hadalkaas, Aniga oo ka xun ayaa ninkii i hor-taagnaa waxa aan ku iri ” Saaxiib waa ku Mahadsan tahay sida aad wax iigu sharaxday”

Horey ayaa u soo dhaqaaqay, dibadda ayaa uga soo baxay xafiiskii aan ku jiray, meel gees ah ayaa istaagay, naftayda inaan la sheekeysto ayaa bilaabay, culeyska i horyaallo inaan xal u helo ayaa go’aansadey!

Xildhibaannadaada miyaa wacataa, maya ma kaa qabanayso, ma u tagtaa, maya maxaa ka faa’iidaysaa marba haddii aan laguu ogoleyn inaad la kulanto iyo su’aalo kale oo kuwa la mid ah ayaa si hoose isu weydiiyay!

Aniga oo lugaha jiidaayo ayaa ka soo dhaqaaqay halkii aan tagnaa, qadar dhawr talaabo markii aan soo socday ayaa Nasiib wanaag waxaa hortayda ka arkay xildhibaan Soomaaliyeed oo saaxiib iyo soke dhaw la ah bahda Saxaafadda!

Is-bariidin kadib, waxa uu igula kaftamay waa soo dheeraatay, haa wa runtaa ayaa ugu War-celiyay, waxaana u raacshay ujeedadii aan halkaas u tagay!

Gacanta ayuu i qabtay, xafiiskii aan ka soo baxay ayuu dib iigu celiyay, Kaarkiisii Xildhibannimada ayuu miiska saaray, damiin inuu ka yahay arintii aan halkaas u joogay ayuu caddeeyay.

Neef weyn ayaa iga soo fuqday, farxad ayaa la duuli gaarey, Duco iyo Mahad-naq ayaa u jeediyay Xildhibaankii i caawiyay!

Hubaashii waxaa ii soo baxday in Xildhibaan Mustaf Dhuxulow uu ka garasho, naxariis iyo samafal badan yahay Xildhibaannada asagiisa ah, qof ahaan waxa aan fahmay inuu yahay Mudane ay dadku u siman yihiin, hiigsigiisuna uu yahay sidii uu wax uga qaban lahaa walaal kasta oo u culeys haysto!

Xaqiiqdii Mustaf abaal aan gureyn ayuu Aniga iyo bulahadiisaba ku leeyahay, wanaagsanaan laheydaa haddii uu Alle isaga oo kale uu ku dhex badin lahaa Soomaalida!

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.