Home Afsomali Xildhibaan hore iyo 72 jir muqdisho loogu dilay siyaabo kala duwan

Xildhibaan hore iyo 72 jir muqdisho loogu dilay siyaabo kala duwan

Sida ay sheegayaan wararka inaga soo gaaraya degmada Hawlwadaag ee gobolka Banaadir, rag hubeysan ayaa halkaasi waxa ay ku dileen nin la sheegay inuu ka mid ahaa Baarlamaankii 9-aad ee dalka soo maray.

Ninka la dilay ayaa waxaa lagu magacaabi jiray Cali Maxamed Cabdi Bajamaal, waxaana goobjoogayaal ay sheegeen raggii dilka geystay inay ka baxsadeen goobta, kahor inta aysan halkaasi soo gaarin ciidanka ammaanka.

Wararka kale ee aan caawa ka heleyno Waaxda Shooriyada degmada  sano jir ahaa, kaasi oo ay dhaawaceen rag hubeysan

Dhnka kale Wararka aan caawa ka heleyno Waxda Shooriyada degmada Dharkeynley ee gobolka Banaadir ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi lagu dilay nin 72 sano jir ahaa, kaasi oo ay dileen rag hubeysan,

Warar soo baxaya ayaa waxa ay sheegayaan inuu ka mid ahaa ergadii xildhibaanada ku soo dooratay magaalada Baydhabo.

Magaalada Muqdisho keliya maanta waxaa lagu dilay dad tiro ahaan gaaraya 6 qof, dhammaan ragga dilalka geystay ma jiro cid gacanta lagu soo dhigay, marka laga reebo in ciidanka ammanka ay qabteen asrkari gabar ku dilay Ex-control Afgoor..

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.