Home Afsomali Xildhibaan Hudo Axmed cali oo beelaha ku dagaalamada Dararweyne ugu baaqday in...

Xildhibaan Hudo Axmed cali oo beelaha ku dagaalamada Dararweyne ugu baaqday in colaada wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo

Xildhibaan Hudo Axmed Cali oo ka tirsan Baarlamaanka fadaraalka ee Somaliya ka soo jeeda geedaanada ay ku dagaalamauyaan dadka walaaha ah ee deegnaaka dararweyne ogobolka Sanaag,  ayaa baaq nabadeed u dirtay bulshada uu dhaxmarayo dagaalka sokeeye Waxay marka hore tiri waxaan marka ugu horeysa tacsi u dirayaan dhammaan qaraabadii iyo asxaabtii ay ka geeriyodeen intii ku dhimatay dagaalka ka socda.  Darar wayne waxaan illaahay ka baryaynaa in kuwa dhaawaca ahna ay caafimaad helaan aamiin.

Dagaalkaasi waa soo noqnoqday go’aanadii hore ee laga gaadhayna waxba kama hir galin markaa waxaan labada dhinac ugu baaqayaa in colaada wada hadal iyo is afgarad lagu dhameeyo

Waxaana canbaaraynayaa cid kasta oo dagaalkaa ka qayb qaadatay hadii ay tahay af, maal iyo gacnba taas oo dhiiri galinay in colaada sokeeye ay daba dheeraato waxaan leeyahay labada beelood  ilaahay ayaa ina abuuryay sw magiciisu kor ahaaye so’idinkii shalay ku dhaaratay magaca ilaahay inaad colaada joojinaysaan ilaahay isaga ayaa loo noqonayaaye ilaahay ha laga baqo

Waxaan baaq nabadeed u diraynaan salaadiinta iyo cuqaasha soomaaliyeed inay ka qayn qaataan joojinta dagaalkaa ka socda deeganka darar-wayne waxaa xusid mudan in labada beelood ee dirirta colaadeed mudada dheer ka dhaxaysay ay yihiin dad hoo iyo hiil wadaag ah waana wiil iyo abtigii waxa lama ilaabaan ah in ay leeyihiin naanays ka dhaxaysa taasoo macneheedu yahay muxubo iyo isku dhawaansho ay dadka iskaga dhaw yihiin waana (habar lamaan ) waxaan leeyahay haydin ka dhaxayso walaaltinimo iyo wax wada-qabsi.

 

Beelaha dagaalku dhexmaray ee dadka iska laayey, waxaana uu ugu baaqey in si shuruud la’aan ah dagaalka loo joojiyo, wixii dhacay waa dhaceen ee waa in la badbaadiyo nafaha kale ee aan dagaaladaas ku dhiman, heshiis waarana laga gaaro.

Culimada iyo dhamaan qofkasta oo wax ka geysan kara deminta colaadaas in caqli, xoog iyo maalba la isugu geeyo sidii loo dhameyn lahaa colaadaas, dagaal wiil baa ku dhintee wiil kuma dhasho colaadi waa ina kala fogaynay maahee horumar inooma laha

Waxaan kaloo baaq u direy dadka qurba joogta ah ee ka soo kala jeeda beelaha dirirtu dhexmartey, qurba-joogtu door muhim ayay ka qaadatay horumarka dalka, hatana waxa laga doonayaa sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen sidii colaada loo joojin lahaa, looma baahna

Inaysan lacag ay leeyihiin ku bixin hurinta colaada dadka walaalaha ah isku dilayaan, laakiin waa inay ka qayb-qaataan maslaxadda iyo waxa kala raacay ee magta ah sidii ay uga qayb-qaadan lahaayeen.

Ugu danbayn waxaan leeyahay aqoonyahanka iyo wax garadka labada

Beelood si caqli iyo wax garad leh hawga fakareen masiirkooda danbe iyo mustaqbalka dalkooda iyo dadkoodba

Cidda is laynaysaa waa dad baadiye ku nool waana hubaal hadii aanay taageero helayn inay colaada joojin lahaayeen haa hubka lagu dagaalamayaa waxa uu ka yimaadaa magaalooyinka taasina waa mid cad markaa waa in xakamayn iyo ilaalin dawladeed oo xoogan lagu ilaaliyaa labada beelood ee walaalaha ah

https://youtu.be/pS9Gn0RsTY8

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.