Home Afsomali Xildhibaan Ludfi Shariif oo loo doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Guddiga kheyraadka...

Xildhibaan Ludfi Shariif oo loo doortay Xoghayaha Joogtada ah ee Guddiga kheyraadka Baarlamaanka Afrika ( DAAWO SAWIRADA _

Kalfadhiga Baarlamaanka Afrika oo ay ku mideysan yihiin xildhibaano matalaya Baarlamaanada Afrika oo todobaadkan ka socday xaruntooda ku taala magaalada Johannesburg ayaa waxaa lagu qabtay doorashooyinka guud iyo kuwa guddiyada xildhibaanada Baarlamaanka Afrika.

Waxaaa Doorashada guud ee Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika mar kale kursigiisa kusoo laabtay  H.E. Hon. Roger Nkodo Dang oo hore u ahaa Madaxweynaha Baarlamaanka Afrika.

Baarlamaanka Soomaaliya waxaa ku matalaya Baarlamaanka Midowga Afrika ilaa shan Xildhibaan oo ku kala jira ilaa shan guddi oo ka tirsan Guddiyada Baarlamaanka Afrika sanad walba yimaada si ay u muujiyaan kaalinta Soomaaliya ay kaga jirto dalalka Afrika.

Xildhibaan Ludfi Shariif Maxamed Cumar oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Afrika iyo kan Soomaaliya ayaa ka mid noqday Masuuliyiinta cusub ee kusoo biiray xilalka isbadalka ku yimid waxaana loo doortay Xoghayaha joogtada ah ee guddiga Kheyraadka Baarlamaanka Afrika.

Mudanayaasha Baarlamaanka Afrika ayaa sanad walba ilaa afar xilli ku kulma xaruntooda dalka Koofur Afrika waxaana kulamadooda diirada lagu saaraa xaalada Qaarada Afrika isbadalada siyaasada, qorshooyinka dowladaha ku bahoobay midowga Afrika iyo horumarada la damacsan yahay in qaarada Afrika ay ku talaabsato.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.