Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa mar kale loo doortay kursi ka mid ah Golha shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.
Maareeye waxaa la tartamayay C/raxmaan Warsame Siciid,waxaana ay ku tartamayen kuriga Golaha shacabka ee tirsigiisu yahay Hop#225.
Guddiga doorashada dadban ee heer dowlad Goboleed qeybta Somaliland oo doorashadan qabanayay ayaa ku dhawaaqay natiijada iyaga oo sheegay in Maxamed Cabdi Xayir Maareeye uu helay 96 Cod halka C/Raxmaan Warsame Siciid uu helay 3 cod.
Guddiga ayaa ku dhawaaqay in Laba cod oo ka mid ah codadkii ay dhiibteen 101 Ergo ay xumaadeen.
Maareeye ayaa muddo dheer ku jira Siyaasadda Soomaaliya,waxaana uu xilal kala duwan ka soo qabtay dowladihii kala duwanaa ee soo maray dalka 20kii sano ee ugu dambeeyay.