Home Afsomali Xildhibaan maareeye “waxaan cambaaraynayaa ficil kasta oo lagu qaadanayo taako ka...

Xildhibaan maareeye “waxaan cambaaraynayaa ficil kasta oo lagu qaadanayo taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ama lagu sii kala fogeynayo midnimada, wadajirka iyo wax wada lahaanshaha Shacabka Soomaaliyeed

Laba maalmood uun ka hor waxaa dadka Soomaaliyeed ee ku nool Somaliland iyo Guud ahaan Soomaaliya Farxad geliyey heshiiskii iyo hadaladii labadii wafti ee DFS iyo Somaliland ka soo saareen shirkii Djibouti ee wadahalada Soomaaliya iyo Somaliland oo u muuqday in horumar iyo guulo Soomaaliyeed lagu gaadhay.
Nasiib daro jawigu caawa sidii wuu ka duwan yahay oo waxay dadka Soomaaliyeed ee ku nool Koonfurta Soomaaliya iyo kuwa Somalilandba la yaaban yihiin warka layaabka leh ee galabta ka soo baxay Magaalada Addis Ababa.
Inkasta oo weli Xoguhu aanay noo wada dhameeystirnayn oo aanu ku dabajirno hadana inta aanu aragnay ama aanu maqalnay ayaa noogu filan in uu jiro xadgudub weyn oo lagu sameeyey jiritaanka Midnimada iyo madaxbanaanida Soomaaliya, sidaas awgeed anigoo ku hadlaya magacayga Xildhibaanimo waxaan cambaaraynayaa ficil kasta oo lagu qaadanayo taako ka mid ah dhulka Soomaaliyeed ama lagu sii kala fogeynayo midnimada, wadajirka iyo wax wada lahaanshaha Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool Soomaaliya iyo Somaliland oo hada labada dhinacba u diyaarsan yihiin in ay ka wada hadlaan oo ka heshiiyaan tabashooyinkii awood qaybsi ee soo bilowday July 1960-kii iyo tacadiyadii ka dambeeyey ee loo geystay Shacabka Somaliland.
Lama huro nin hawl kar ah sida geed har weynbaa lagu soo hirtaa Hilibkiisi buu cunay nin hagraday dhulkiisii

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.