Home Afsomali VIDEO Xildhibaan oo Si dirqi ah ugu codeeyey sharciyo aan horey looga...

VIDEO Xildhibaan oo Si dirqi ah ugu codeeyey sharciyo aan horey looga tashan

 

 

Xildhibaanada baarlamanka Soomaaliya ayaa ansixiyey is-beddel lagu sameeyey xeerka bankiga dhexe ee Soomaaliya.

Is-beddelkan ayaa waxaa ogolaaday 158 ka mid ah xildhibaanada, ayada oo ay diideen kaliya 17, mana jirin cid ka aamustay.

Xeerka Bankiga Dhexe, ayaa dhigayey in shuruudda koowaad ee laga doonayo qofka xilka guddoomiyaha bankiga dhexe qabanaya uu yahay muwaadin Soomaaliyeed. Waxaa hadda albaabka ay tani u furaysaa in qof ajnabi ah xilkan loo dhiibi karo.

Wax ka bedelka xeerka Bangiga Dhexe gaar ahaan lambarkiisa 130aad ayaa ka dhigan in Bangiga Dhexe uu madax ka noqon karo shaqsi ajnabi ah, kuna imaan doona xeer loo cuskanayo xulida Guddiga Agaasinka Bangiga Dhexe, kaasoo ay in qof kasta oo ugu dhibco sareeya, karti ahaan, aqoon ahaan iyo hufnaan uu noqonayo Guddoomiyaha Bangiga Dhexe.

Xeerkaan ayaa waxaa ka dhashay buuq badan, waxaana qaar ka mid ah Xildhibaanada Golaha Shacabka ay sheegeen in dalka la doonaayo in maamulkiisa loo dhiibo Ajnabi xilli ay jooggaan Muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Sidoo kale Xildhibaanada golaha shacabka ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa ansixiyay wax ka bedel lagu sameeyay hindise sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

163-xildhibaan ayaa ogolaaday, waxaa diiday 13 xildhibaan, wax ka aamusay malahan.

Guddoomiyaha golaha shacabka mudane Maxamed Mursal Sheikh C/raxmaan ayaa sheegay inuu ansax yahay wax ka bedelka lagu sameeyay Hindise Sharciyeedka Hanti Dhowrka guud ee Qaranka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.