Home Afsomali Xildhibaanada Baarlamaaanka Puntland oo Maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

Xildhibaanada Baarlamaaanka Puntland oo Maanta yeelanaya kulan xasaasi ah

Xildhibaannada Baarlamanka Puntland ayaa Maanta  oo sabti ah ka doodaya Ajandaha Kal-fadhigooda 52-aad oo khamiistii furmay.

Xildhibaannada ayaa lagu wadaa in ay dood kadib ansixiyaan ajandaha oo ay ku jiraan qodoba xasaasi ah gaar ahaanna qodobka furista Dastuurka.

Wararka ayaa tilmaamaya in Ajandaha maanta la ansixinayo balse si rasmi ah loo shaacin doono maalinta Axadda ah oo ku beegan 18-ka bisha.

Kualanka Baaelamaankaa Puntland uu maanta yeelanayo ayaa ah mid xasaasi oo ku saabsan wax ka badel lagu sameeyynayo dastuurka Puntland taas oo siyaasiyin badan oo ka soo jeeda degaanada puntland ay ku tilmaameen mid horseedaya muddo kororsi  loo sameynayo Madaxweynaha Puntland Puntland Saciid Cabdulaahi Deni.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.