Home Afsomali Xildhibaanada Beesha direyd “shirka ka socda Garowe, maaha mid gebi ahaan ba...

Xildhibaanada Beesha direyd “shirka ka socda Garowe, maaha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana maaha wax ay aqbalidoonto

Xildhibaanada beesha Direed ee BF oo go’aan xasaasi ah kasoo saaray shirka Garoowe
Xildhibaanada Direed ee ku jira labada gole Baarlamaanka JFS ayaa war-murtiyeed ka soo saaray shirka Garowe ee oo ay ka qeyb galayaan madaxda dowladda dhexe iyo kuwa dowled-gobaledyada. Hoos ka aqriso

Tr. 09/05/2019
Annagoo ah Xildhibaannada Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Jamhuuriyadda Soomaaliya ee beesha Dirreed, waxaanu isugu nimi kulan wadatashi ah oo ku qabsoomay caasimada dalka ee Muqdisho 09/05/2019. Waxaanu si qoto dheer u falanqaynay xaalada siyaasaddeed ee dalka iyo arrimaha ugu waaweyn ee hadda taagan sida dib-u-eegista dastuurka, wada-hadallada Somaliland iyo Soomaaliya, doorashooyinka la filayo in sannadka 2020 dabayaaqadiisa ay ka qabsoomaan dalka iyo xeerka doorashooyinka ee Golaha Wasiiradu ansixiyeen, nidaamka federaalka iyo Kulanka uga socda magaalada Garoowe madaxda sare ee dalka iyo Dawlad Gobaleedyadda.

Hadaba, iyadoo ay muhiim tahay in beeshani taladeeda ku toosiso dalkan iyo dawladiisa waxaanu isla garanay in dhammaan qodobada sare ku tilmaamman la dedejiyo dhaqangalintooda iyadoo la ilaalinaayo sarraynta sharciga iyo hay’addaha dastuuriga ah ee JFS lana dhawrayo danaha umadda soomaaliyeed.

Markii aanu aragnay qaabka loo abaabulay amma uu u socda Shirka Garoowe, waxaanu garwaaqsanay in aanu ka turjumayn midnimada, talo-wadaaga iyo awood qaybsiga ay ku dhisantahay dawladda JFS. Waxa marag-ma-doon ah in Shirka Garowe looga hadlayo arrimo taabanaya masiirka iyo mustaqbalka siyaasadeed ee ummada soomaaliyeed, waaxa ayaan darro ah sida aan wax tixgelin ah loo siin matalaada Beesha Direed.

Sababaha kor ku xusan awgeed, annagoo ah xildhibaanada labada Gole ee BFS ee beesha Dir waxaanu go’aansanay arrimahan hoos ku xusan:

Beesha Direed kuma laha wax metelaad siyaasadeed ah shirka ka socda Garowe, sidaa darteed maaha mid gebi ahaan ba khuseeya Beesha Direed, wax kasta oo kasoo baxana maaha wax ay aqbalidoonto.
Shir kasta oo looga hadlaayo arrimaha masiiriga ah ee dalka oo aan ku salaysnayn awood-qaybsiga siyaasadeed ee beelaha Soomaaliyeed isla ogolaadeen ka hor inta aanu nidaamka axsaabta badani dalka ka hirgelin, waxay beesha Direed u aragtaa inuu yahay mid caddaalad darro iyo xasillooni la’aan siyaasaddeed dalka u horseedaya.
Beeshu ma aqabali doonto madal kasta oo hareer marsan hay’addaha dastuuriga ah ee dalka.
Waxaan cadeyneynaa in guddiyadii hore loogu soo dhisay kulamadii ka horeeyay shirkan Garowe sida guddiga wadaxaajoodka iyo xubnaha madaxda dowlad goboleedyadu u soo dirsadeen in lagu kordhiyo guddiyada Dib-u-Eegista Dastuurka ay yihiin kuwo beelo ugaar ah laga soo magaacabay , sidaas awgeedna aysan beesha Dir aqoonsaneen.
Sidoo kale waxaanu ugu baaqaynaa Madaxdaweynaha JFS oo ah astaanka midnimada Qaranka in uu ka fogaado nidaamka kasta oo kala fogaynaya wadajirka dalka iyo dadka Soomaaliyeed.
Ugu dambayn, hadii aan wax laga bedelin ku tagrifalka iyo tixgelin la’aanta matalaadda siyaasadda dalka, waxay beeshu wada tashi ka yeelan doontaa talaabada ay qaadayso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.