Home Afsomali Xildhibaanada dhulbahante oo iska xaadariyey

Xildhibaanada dhulbahante oo iska xaadariyey

Xildhibaanada beesha Dhulbahante ee labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya oo uu hoggaaminayo Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Aqalka Sare senator Cabdullaahi Cali Xirsi (Timacadde) ayaa maanta soo gaaray magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool.

15 sano ka dib magaalada Laascaanood ayey wafdigaan oo ka socda dawladda Faderaalka Soomaaliya, waxay booqdeen magaalada iyagoo qiimeynaya baaxada khasaaraha iyo baahida gargaarka arrimaha bulshada.

Wafdiga ayaa wada hadalo la yeeshay, Isimadda dhaqanka ee gobalada SSC iyo bulshada rayidka ah oo ay kala hadleen xaaladaha taagan iyo baahiyaha ay qabaan.

Shalay ayaa magaaladan duleedkeeda waxaa ka dhacay dagaalkii ugu cuslaa ee abid ka dhaca, kaas oo ay ka dhasheen khasaaro xoog leh oo dhinacyada kala gaaray, walina abaabul culus ayay wadaan labada dhinacba.

Gudoomiye kuxigeenka Aqalka Sare ayaa horey ugu baaqay Somaliland in ay ciidamadeeda kala baxdo gobalkan, kahor intii aysan dagaaladu dhicin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.