Home Afsomali Xildhibaanada Dowlad goboleydka Galmudug State oo ku dhawaaqay in ay kalsoonidii kala...

Xildhibaanada Dowlad goboleydka Galmudug State oo ku dhawaaqay in ay kalsoonidii kala laabteen Madaxweynihii hore ee Xaaf iyo Gudoomiyaha Baarlamaankaas oo aqbalay

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug ayaa goor-dhaw ku dhawaaqay in ay Xilkii ka qaadeen Madaxweynaha Galmudug Axmed Ducaale Geelle “Xaaf” Ka dib kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG ah ee Galmudug.

Xildhibaanada oo aan la hadlanay ayaa Xaqiijiyay in ay fariisteen 55 Xildhibaan oo ka tirsan Galmudug 52 ka mid ahna ay Haa u codeeyeen halka 2 ay ka aamustay 1 Xildhibana uu diiday.

Wararka ayaa sheegaya in Xildhibaanada aanay wehlin Guddoonka Baarlamaanka, iyagoo sheegay inay iska dhex doorteen Guddoomiye, kaddibna ay xilka ka qaadeen kaas oo ay sheegeen in uu dhigayo Xeer hoosaadka Baarlamaanka.

Xaaladda magaalada Cadaado ayaa aad u qasan Caawa waxaana ka jiro jawi colaadeed oo ka dhax abuuran hay’adaha maamulkaasi.

Cali Gacal Casir Gudoomiyaha Baarlamaanka Galmudug ayaa soo saaray War-saxaafadeed uu ku taageerayo Xil ka qaadistii Caawa ay ku sameeyeen Xildhibaano ka tirsan Galmudug Madaxweynaha Maamulkaasi Cali Gacal Casir.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ay sax tahay xil ka qaadista iyo go’aanka Xildhibaanada ka soo baxay oo ay ku sheegene in ay Xilkii ka qaadeen Xaaf isagoo sheegay in ay jiraan Qodobo Dastuurka Galmudug iyo Xeer hoosaadka Baarlamaanka u ogolaanayo talaabada ay qaadeen.

Halkaan hoose ka aqriso Warsaxaafadeedka 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.