Home Afsomali Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka Dooday Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Hawlgabka

Xildhibaanada Golaha shacabka oo ka Dooday Akhrinta 2aad ee Hindise sharciyeedka Hawlgabka

Kalfadhiga Seddaxaad Kulankiisa 21- aad ee Golaha Shacabka Baarlamaanka  Federaalka Soomaaliya oo uu shir guddoomiyay Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Soomaaliya  Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe), waxaana ku weheliyay Guddoomiye Ku-xigeenka Labaad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshirow.
Ajandaha kulanka oo ahaa warbixinta akhrinta 2-aad ee Hindise Sharciyeedka Howlgabka iyo Liiltirka Shaqaalaha Rayidka ee Dowladda, kaas oo muhiim u ah dhammaan shaqada howlwadeennada dowladda. Xildhibaannada Golaha Shacabka BJFS oo ka dooday akhrinta labaad, ayaa fadhiga Golaha ka jeediyay talooyin iyo muhiimada uu leeyahay sharcigan.
Guddoomiyaha Golaha Shacabka oo soo xiray kulanka maanta ayaa Guddiga Arrimaha Bulshada ee Golaha shacabka faray in soo-jeedinta iyo talooyinka Xildhibaanada kusoo daraan isla-markaana kuso celiyaan Golaha.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.