Xildhibaanada Golaha shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maaanta kulan ku yeelaanaya Magaalada Muqdisho.
Ajendaha kulanka maanta ayaa waxaa lagu sheegay in xildhibaanada loo soo gudbi doono mooshin wax ka bedel lagu sameynayo dastuurka dalka.
Qodobka wax laga bedelayo waa mudada uu xilka heynayo madaxweynaha, isla markaana uu sii joogayo baarlamaanka oo hadda ah 4-sano, waxaana la qorsheynayaa in laga dhigo 5-sano.
Sidoo kale’ Ajendaha kulanka maaanta ayaa xalay loo diray xildhibaanada Golaha shacabka waxaa ku jirta in loo qeybi doono ilaa seddax hindise sharciyeed, si ay u soo akhriyaan.
1 – Hindise sharciyeedka qaxootiga iyo magan-geliyo doonka.
2 – Hindise sharciyeedka howlgabka iyo liiltirka shaqaalaha rayidka ah ee dowladda.
3 – Iyo hindise sharciyeedka kaalmo sharciyeedka federaalka.
Hase’ahaatee ‘ Guddi loo xil-saaray inay soo diyaariyaan ayaa lagu wadaa in ay Maanta golaha u soo gudbiyaan, kana hor akhriyaan mooshinkaas Ujeedkiisa uu yahay muddo kororsiga.
Shirkii Golaha wadatashiga qaran ee dhawaan ka dhacay magaalada Muqdisho ayaa lagu shaaciyay in madaxdu ay isla garteen in wax laga bedelo oo sanad lagu daro mudada xil heynta hey’adaha dastuuriga ah ee dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada dalka.