Inkasta oo dalkeenu qori dhaqaale la huwiyey uu ka taliyo ayaa hadane sida wadamada caadiga waxaan leenahay hogaamiyayaal balse si aan ognahay talada dalka u muqiiriyey .
Waxaana ka soo qaadan karnaa masuuliyiinta talad dalka horboodeysa oo ku andacooday in ay ku soo baxeeen doorasho dad badan dhinaca kale markii la eegana aanu ku jirin mid aan dooarshadiisa qarash ugu bixin
Marka runta aan ka hadalno waxaa jira wax is dabamarin saameysay meelo badan waxayna cuuryaamisay ku tagri falka awoodaha dowlada horumarkii bulshadu ay hiigsaneysay
Madaxweynuhu wuxuu ogolaaday in uusan xubnaha baarlamaanka kala diri Karin wuxuuna qodobkaasi dastuurka laga saaro ogolaaday markii isne loo ogolaaday in uu dib u dhigo sameynta golaha adeega garsoorka oo awood u yeelan lahaa la xisaabtanka iyo daba galka cid kasta oo shrciga ku xad gudubta .
Wuxuu magacaawday gudoomiyaha maxkadamada sare ee dalka Xeerlaaliyaha guud gudoomiyaasha maxkamadaha oo dhan
Taliyayaasha noocyada kala duwan ciidamada gudoomiyaha gobolka banaandir wuxuu kale oo magacaawday dhanka ilaha dhaqaalaha sida dakada garoonka bangiga iyo laamaha canshuuraha
Yaana ku sii fogaanuine xildhibaanadu ma eed ka saliimbaa .
Waxaa la rumneysan yahay in waqtiga doorashada kuraasta ay ku fadhiyaan ayna bulshada ku matalaan lamusuq maasuqay Waxaana u fududeyso arintaas , arimo dhaqaale iyo saaxiibo uu kuleeyhay hogaanka markaa talada haaya .
Waxaa lagu xantaa in ay dantooda ka hormariyaan danta dad weynaha oo aad arkeysid xildhibaano badan oo lagu eedeynaayo wax qabad la.aan iyo in ay kuraasta baarlamanka ku fadhiyaa waqtiyo dhaa dheer kuwaas oo aan deegani laga soo doortay waxba u qaban halkaa qaarkoodna ayba la socon xaalada ay ku nool yihiin dadka dagan deegaanka uu magaciisa baarlamaanka ku matalo.
Xildhibaan Qaran
20 sana ayu xildhibaan Qaran ku matalaa Qabiilo dhan mana jirto hal qof oo kamida dadka u matalo baahidiisa uu wax ka qabtay inta uu Xilk hayo.
Dadka u matalo waxay u doorteen in uu wax ugu qabto xilka ay ku aamineen fursadaha Waxbarasho Ay Ardayda rabto Sido Kale Dadka xanuunsan iyo fursadaha shaqada oo dhalin yara badan uu matalo shaqa la’aan ku heyso dalka iyago Waliba Jaamacado Ka Baxay.
Beeshiisa wuxu ku yahay Mucaarad lamana kulmo shirna uma qabto wada yashi ah waxna uma qabto
Qaarkood Xilalaka ay hayaan waxay uga faaiideystaan fursado dhaqaale .
Hada ka hor xildhbaan ayaa beeshiisu u soo bandhigtay in uu dhalinyaro ku daro shaqaalaha dowlada qaarna uu dibada ugu diro waxbarasho
Wuxuu galay saf dheer oo gudoonka baarlamaanku xildhibaanada uu la kulmayo ku jireen wuu isu daba mariyey ilaa la gaaro xiligii gabagabada wuxuuna markii uu la kulmay codsaday in ookiyaalihiisa araga loo cusbooneysiiyo halkii uu gudbin lahaa codsgii baahida beeshisa waana loo ogolaaday oo muraayado cusub ayaa loo iibiyey .
Markii uu u soo baya wuxuu ku yiri xubinihii beeshiisa ee dibada barlamaanka ku sugayey maanta oo dhan dagaalkiina ayaan ku jiray waan soo dhameeyey arimihiina oo dhan
Qoladii shaqaaleysiinta waxaa la I balamiyey munaasibada 1da luul marka laga baxo qoladii kale ee deeqda waxbarsho dooneysay iyada waxaa la I balamiyey marka dugsiyada oo hada xiran la furo
Isma laha ereyada afkiisa ka soo baxay iyo waxa uurkiisa ku jira
Ma xildhibaankaas ayaan bulshadiisa eedeysane u aheyn