Home Afsomali Xildhibaanda Baarlamaanka oo u yeeray Wasiirka Amniga Taliaya Waaxda Socdaalka iyo taliyaha...

Xildhibaanda Baarlamaanka oo u yeeray Wasiirka Amniga Taliaya Waaxda Socdaalka iyo taliyaha booliiska

Xildhibaanada golaha shacabka ee Baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa u yeeray in ay hor yimaadaan Wasiirka amniga gudaha Xukuumada Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo taliyaasha hoos yimaada.

Qoraal loo diray Wasiirka amniga ayaa looga codsaday in beri oo talaado ah golaha shacabka ku hor yimaadaan isaga , taliyaha booliiska iyo sidoo kale agaasimaha Hay’ada Socdaalka iyo Jinsiyadaha.

Xiuldhibaanada golaha shacabka ayaana doonaya in su’aalo weediiyaan Wasiirka amniga gudaha Soomaaliya Maxamed Abuukar Isloow iyo taliyaha booliiska iyo agaasimaha Hay’adsaha Socdaalka iyo Jinsiyada.

Wasiirka amniga gudaha oo shalay la kulmay guddiga joogtada ee golaha shacabka ayaa ka dalbaday in aan  Baarlamanaka looga hor yeerin kuna mashquulsan yihiin howlo adag, balse codsiga Wasiirka iyo kooxdiisa ayaa u muuqata in lagu soo diiday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.