Xildhibaannada Golaha Shacabku waxay shalay oo ay taariikhdu ahayd 06/01/2024 gudbiyeen soo jeedin (mooshin) looga dalbanayo Xukuumadda Federaalka Soomaaliya soo gubinta heshiisyada ay la gashay waddamada shisheeye, kuwa sida qarsoodida ah loo galay iyo kuwa la shaaciyeyba, si Baarlamaanku uga guto waajibkiisa, meeshana uga saaro waxkasta oo qaranka halis ku keenay ama ku keeni kara, isla mar ahaantaasna loo dar-dargeliyo meel marinta kuwa qaranka danta u ah.
In badan Golaha Shacabku wuxuu wel-wel ka muujiyey heshiisyada sida hoose Xukuumaddu usoo saxiixday oo baalmarasanaa wadiiqooyinka sharciga ah, uuna iska soo saxiixayey Wasiir ama Madaxweyne iyadoo aan qabyo-qoraalka heshiisyadaas Gole Wasiirro l ka doodiin, loona gudbin Garyaqaanka Guud ee Dowladda, balse ay dhacday in masuul dal shisheeye safar ku ah uu soo saxiixo waxa uu rabo.
Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya wuxuu si weyn uga walaacsanyahay nuxurka iyo heykalka guud ee heshiisyada sida hoose loola galay waddamada Imaaraadka iyo Itoobiya kuwaas oo kii u dambeeyey lagu soo saxiixay Addis Ababa 7-dii bishii Diseembar 2023, laguna sheegay cusbooneysiin heshiis hore ee labada Dowladood kala saxiixdeen Febaraayo 2014. Waxaa layaab leh in ay soo baxayaan faah-faahin ku saabsan hesiiska Is-afgaraf ee Addis bishii Diseembar 2023 Xukuumaddu kula saxiixatay Itoobiya uu dhigayo in layska kaashanayo dhinacyada milatariga, la dagaallanka argagixisada iyo sugidda ammaanka Badda, aydoo aysan Itoobiya bad lahayn!!!
Hadaba, Xildhibaannada Golaha Shacabku ayakoo ka amabaqaadaya xaalladda dhiillada leh ee ka timid Addis Ababa kowdii bishan 2024, taasoo marka koobaad xad gudub ku ah jiritaanka, madax bannaanidayada iyo midnimadayada, marka labaadna keeneysa halis qaran iyo qabsasho dhul Soomaaliyeed oo istaraatiiji ah, waxaan si deg-deg u faraynaa Xukuumadda Federaalka Soomaaliya qodobadan soo socda:
1. In ay si deg-deg ah u hor keento Golaha Shacabka dhammaan heshiisyadii ay sida qarsoodida ah ula gashay Imaaraadka iyo Itoobiya, iyo kuwa ay shaacisay ee aan wali Golaha loo soo gudbin.
2. In ay si deg-deg ah ula timaaddoo qorshe difaac oo cad oo lagu kalsoonaan karo, laguna xaqiijinayo bed-qabka dalka bad, berri iyo cir, isla mar ahaantaasna looga hortagayo dhicidda khataro noocan oo kale ah. Waxaa la yaab leh doodda jaban ee Itoobiya ee oranaysa maadaama ay Dowlado kale horay heshiisyo noocan ula galeen maamullada Soomaaliya ka jira, aysanna qaylonuga imaan, wax hadda loo qayliyaa ma jiraan, keennuna waxba kama badelna kuwaas!!!
3. In aysan Xukuumaddu ku dhaqaaqin wax kasta oo kala qaybinaya shacabka iyo wax-garadka Soomaaliyeed maadaama dalku ku jiro xaalad khatar weynleh loona baahanyahay midnimo iyo difaac guud. Sidaas awgeed, waxaan Xukuumadda faraynaa in aysan keenin golaha habraaca dib u eegidda dastuurka, haddii arrintaas lagu sii socdana ay ka dhignaan doonto kala qaybin bulsho iyo ka weecinta muwaadiniinta Soomaaliyeed difaaca dalkooda.
Ugu dambayn, waxaan ka digeynaa daahinta iyo ka war-wareegidda in la hor keeno heshiisyadaan Golala Shacabka, muddada loo qabtay, taasoo haddii ay dhacdo caddayn buuxda u noqon doonta cidda leh masuuliyadda bixinta, iibsashada iyo lunsashada badda iyo berriga Soomaaliyeed.