Home Afsomali Xildhibaanno dumar ah oo loo haysto lacago ay isticmaaleen loona siiyey Safar...

Xildhibaanno dumar ah oo loo haysto lacago ay isticmaaleen loona siiyey Safar Baaqday

Ugu yaraan 15 haween xildhibaanno ah oo ka tirsan baarlamaanka Kenya ayaa cadaadis lagu saaray inay soo celiyaan lacag ka badan 270,000 oo dollar, taasoo la siiyay ka hor safar ay ugu bixi lahaayeen dalka Maraykanka oo markii dambe la baajiyay, sida ay ku warrantay warbaahinta Kenya.

Safarka oo ay xildhibaannada uga qeybgeli lahaayeen shir lagu waday inuu ka dhaco Maraykanka oo looga hadli lahaa xaaladda dumarka adduunka ayaa la baajiyay cabsi laga qabo faafitaanka caabuqa Corona awgii.

Afhayeenka baarlamaanka Kenya, Justin Muturi, ayaa dhawaan amar ku bixiyay in xildhibaannada ay soo celiyaan lacagta oo tiiba in ka badan 18,000 oo dollar ay ka qaadatay waaxda maaliyada ee baarlamaanka, balse midkoodna ma aysan fulin amarkaasi, sida uu sheegay telefishinka Citizen.

“Xildhibaannada laga rabay inay ka qeybgalaan shirkaasi baaqday waxaa looga baahan yahay inay si buuxda usoo celiyaan kharashaadka loo sii hormariyay,” ayuu yiri Muturi.

Lacagtaasi ayaa loogu talagalay inay isticmaalaan 7-da ilaa 22-ka bishan March, mudadaasi oo ay ku maqnaan lahaayeen Maraykanka.

Xildhibaannadaasi ayaa lagu soo warramayaa inay dhici karto in lacagtaasi lagu leeyahay laga jarto mushaarkooda bishan March ama laga horjoogsado inay ka qeyb qaataan safarrada dibedda ilaa iyo inta ay iska bixinayaan lacagtaasi loo haysto.

Sida uu ku warramay telefishinka Citizen, xildhibaannada Kenya ayaa gunnooyin wanaagsan ka hela safarrada dibedda, waxaana kuwa aadda Maraykanka iyo Yurub ay maalintiiba qaataan lacag dhan 1,200 oo dollar.

Qaar kamid ah xildhibaannada ay atrrintan saameysay oo la hadlay telefishinka Citizen ayaa sheegay inay isticmaaleen lacagta, isla markaana ay ka fekerayaan qaabkii ay ku bixin lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.