Home Afsomali Xildhibaano sheegay in ay xilkii ka xayuubiyeen Madaxweynihii hore er galmudug state...

Xildhibaano sheegay in ay xilkii ka xayuubiyeen Madaxweynihii hore er galmudug state mr Xaaf geele

XIldhibaano lagu sheegay inay gaarayaan ilaa 47 Xildhibaan ayaa la sheegay inay xilkii ka qaadeyn madaxweyne Xaaf.

Arrintaan ayaa kusoo aadeyso xilli dhawaan Magaalada Dhuusamareeb looga dhawaaqay in xilkii looga qaaday Guddoomiyaha Baarlamaanka Galmudug Casir kadib xildhibaano halkaas ku shiray.

Galmudug ayaa noqotay meel ay caado u noqotay mooshino iyo xil ka qaadis kala duwan oo aan la ogeyn natiijada ka imaan doonto.

Kulanka waxaa shir guddoominayey Cali Gacal Casir oo dorraad isna ay xildhibaanno ku shiray Dhuusamareeb ka qaadeen xilka afhayeenka baarlamaanka Galmudug.

Dhanka kale Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa soo gudbiyay Mooshin ka dhan ah Madaxweyne ku xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabay.

97 Xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Galmudug ayaa Mooshin kalsooni kala noqosho ah ka keenay Madaxweyne ku xigeenka Galmudug oo ay ku eedeeyeen in uu burburinaayo maamulka Galmudug.

Gudoomiye ku xigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed ayaa qabtay Mooshinka xilka looga qaadayo Madaxweyne ku xigeenka Galmudug.

Xildhibaanada Galmudug ayaa horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Gudoomiyihii Baarlamaanka maamulka Galmudug Cali Gacal Casir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.