Home Afsomali Xildhibaano soo jeediyey in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagaxisada0

Xildhibaano soo jeediyey in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagaxisada0

Xildhibaano soo jeediyey in Maamulka Somaliland lagu daro liiska argagaxisada

Qaar ka mid ah xildhibaannada baarlamanka Puntland ayaa maanta soo jeediyay in maamulkooda uu Somaliland ku daro liiska argagixisada.

inkastoo aan soo jeedintaas lagu darin ajendihii maanta haddana waxaa gadaal ka riixayay qodobkaas xildhibaano intooda badan ka soo jeeda gobolka Cayn ee maamulkaasi.

Lama ogo waqtiga mooshinkaas lagu dari doono ajandaha oo ay xildhibaannadu ka doodi doonaan maalmaha iyo todobaayada soo socda.

Xildhibaanada soo jeediyey arrintan ayaa Somaliland ku eedeeyay inay deegaanno ka tirsan gobolkaasi ku abuurto dagaalyahannada Al-Shabaab.

Somaliland oo sheegata iney tahay dal madax banaan iyo Puntland oo ka tirsan Somalia ayaa waxaa ka dhex jira muran dhinaca ah oo la xiriira soohdimaha uu sameeyey gumeysiga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.