Home Afsomali Xiliga la dooran doono Madaxweyne dalku yeesho oo la shaaciyey

Xiliga la dooran doono Madaxweyne dalku yeesho oo la shaaciyey

Guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya ayaa goordhoweyd ku dhawaaqay in 15-ka May ay dhici doonto doorashada Madaxweynaha.

Soomaaliya ayaa yeelan doonta madaxweyne cusub 10 maalmood gudahood, haddii uu sidiisa u fulo jadwalka uu guddigaan shaaciyay.

Arrintan ayaa la rumeysan yahay inay ku timid cadaadiskq Beesha Caalamka, oo hakad galiyay dhaqaalihii iyo deeqihii ay siin jirtay Soomaaliya.

Xildhibaannada Golaha Shacabka iyo Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa kulamo kala gooni-gooni ah oo shalay yeesheen waxay iska soo xuleen guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Soomaaliya, oo dardar xoogan galiyay qabsoomida doorashada.

Guddiga qaban-qaabada doorashada Madaxweynaha  ayaa dhan 17 xubnood waxayna 10 kamid ah iska soo dhex xulay Xildhibaannada Golaha Shacabka, halka 6 xubnood ay soo xuleen xildhibaannada Aqalka Sare, halka Xubinta 17-aad uu magacaabay Guddoomiyaha Golaha Shacabka.

Soomaaliya ayaa ku daahday xaalada kala guurka, ayada oo hanaanka doorashooyinka ay wajaheen culeyso iyo khilaafyo hor leh oo markii dambe badankooda xal laga gaaray.

Guddoomiye ku xigeenka 1-aad ee Golaha Aqalka Sare Mudane Cali Shacbaan Ibraahim ayaa furay kulankii ugu horreeyay Guddiga isku dhafka ah ee ka shaqaynaya Doorashada Madaxwaynaha JFS oo maanta iska dhex dooranaya Guddoomiyaha Guddigaas.

Sidoo kale waxaa kulanka goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku xigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka Mudane Cabdullaahi Cumar Abshiroow iyo labada Xoghaye ee Baarlamaanka.

Murashaxiinta Xilka Guddoomiyaha.

1.Xildhibaan Maxamed Axmed Beereey
2.Senator Cabdiqani Geele Maxamed.
3.Senator Cabdi Ismaaciil Samatar.

Murashaxiinta Guddoomiye ku xigeenka.

1.Senator Ibraahim Owgaab Cismaan
2.Xildhibaan Maxamed Keerow Maxamed
3. Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimoow.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.