Home Afsomali Xilliga Maxkamadda Gobolka Banaadir ay markii Afaraad dhageysan doonto kiiska Cabdalla Muumin...

Xilliga Maxkamadda Gobolka Banaadir ay markii Afaraad dhageysan doonto kiiska Cabdalla Muumin oo la shaaciyay

Maxkamadda  Gobolka Banaadir ayaa shaacisay in kiiska xorriyadda saxaafadda Soomaaliya ee uu hormuudka ka yahay Xoghayaha Guud ee Somali Journalists Syndicate – SJS mudane Abdalle Ahmed Mumin la dhageysan doono maalinta Isniinta 6da Febraayo 2023, saacaddu markay tahay 7:00am.

Dhageysigan ayaa ah kii afraad tan iyo intii ay Maxkamaddu bilawday dacwaddan ku saabsan war saxaafadeedkii wadajirka ahaa ee ururrada saxaafadda Soomaaliya.

War kasoo baxay Ururka SJS ayaa waxaa lagu sheegay in dacwaddan uu dhinac ka yahay  Wasiir ku Xigeenka Warfaafinta Cabdiraxmaan Cadaala, sida uu dhowr jeer ku cel celiyay Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin.

26-kii Bishii Janaayo ee sanadkaan ayaa qorshuhu ahaa in markii Afaraad la dhageysto kiiska dacwadda Xoghayaha SJS Cabdalla Axmed Muumin balse uu dib u dhacay sababo amni darteed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.