Home Afsomali Xisaabiyaha Guud Oo Ka Badheeedhay Curyaaminta Shaqadii Qaranka.

Xisaabiyaha Guud Oo Ka Badheeedhay Curyaaminta Shaqadii Qaranka.

Maalmihii U Danbeeyay Waxa Isa Soo Tarayay Cabashooyin Ka Imanaya Hay’adaha Dawaladda Sida Wasaaradaha Iyo Hayadaha Kale Ee Madaxa Banaan Qaarkood,Cabashadaasi Oo Ku Aadan, Sida Uu Ula Dhaqmayo Hay’adahaasi, Xisaabiyaha Guud Ee Qaranku,Iyadoo Qaar Badan Oo Ka Mid Ah Maamulka Hay’adahaasi Caddeeyeen,In Xisaabiyaha Guud Caqabad Ku Yahay Habsami Socodka Hawlihii Adeegga Guud Ee Hay’adahaasi Masuulka Uga Ahaayeen Qaranka, Isla Markaana Xisaabiyuhu,Uu U Muuqdo Nin Ka  Badheedhay Curyaaminta Shaqadii Qaranka.

Maamulka Hay’adahaasi Waxay Sheegayaan,In Foojar Kasti Oo Madaxda Laamaha Dawladdu Usoo Gudbiyaan Xisaabaadka Guud,Uu Xisaabiayaha Guud Isku Taagayo,Isla Markaana Ay Ka Waayeen Inuu U Caddeeyo Sababaha Uu Isku Hor Taagayo,Ama Ku Diidan Yahay,Iyadoo Hawlo Dhan Oo Qayb Ka Ah Shaqadii Qaranku U Xayiran Tahay Foojarkaasi,Taasi Oo Ay Tilmaameen Inay Todobaadyo Dhan Ama Bil Iyo Wax Ka Badan Ka Daba Meeraystaan,Taasina Runtii Ma Aha Mid Anfacaysa Dedaalka Hoggaanka Dalku Ugu Jiro Horumarinta Qaranka,Waayo Haddii Aan Qof Kastaaba Dhinaciisa Fududaynin Hawsha Uu Masuulka Ka Yahay,Isla Markaana Daacad Ka Noqon Xilka Loo Igmaday,Suurto Gal Maaha In Natiijo Fiican Laga Gaadho Yoolkii Ummadani Lahayd,Waxaana Ku Waajib Ah Xisaabiyaha Guud Iyo Shakhsiyaadka Kale,Ee U Darban Curyaaminta Shaqada Qaranku Inay Ka Waantoobaan Afcaashaasi Leexsan,iyo Hagardaamada Ay Ku Hayaan  Socod Siinta Hawlaha Qaranka……

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.