Home Afsomali Xog dheeraad ah ka soo baxeysa dil ka dhacay Muqdisho

Xog dheeraad ah ka soo baxeysa dil ka dhacay Muqdisho

Rag hubeysan ayaa Barqanimadii  waxaa ay agagaarka Buundooyinka ee degmada Waaberi ee Gobolkan Banaadir ay ku dileen    la sheegay inay kamid ahaayeen Ciidamada Nabadsugida qeybta dharcadka ee loo yaqaano ilaalada Shacabka.

Askarta la dilaay ayaa magacyadooda lagu soo koobay in ay kala ahaayeen  Armaan ,kool kooliyow, feysal iyo saciid caato

Rag dilka fuliyay oo ku hubeysnaa bustoolado ayaa goobjoogayaal waxaa ay sheegeen inay wateen gaari nooca raaxad ah,isla markaana ay goobta ka baxsadeen, waxaana la sheegay in Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda ay halkaasi tageen, iyaga oo halkaasi ka qaaday meydadka ragga la dilay.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska Soomaaliya aya howlgallo ka sameeyay halka uu dilka ka dhacay, hayeeshee aan weli la sheegin dad ay u qabteen dilkaasi ka dhacay agagaarka Bundooyinka ee degmada waaberi.

Laamaha ammaanka Soomaaliya iyo Maamulka degmada Waaberi weli kama hadlin dilkaas, waxaana degmada Waaberi bilihii la soo dhaafay ay kamid aheyd meelaha ugu amniga wanaagsan Muqdisho, isla markaana ay ka yaraadeen dilalkii ka dhici jiray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.