Home Afsomali Xog: sababata uu u baaqday Kulan ay Gaalkacyo ku yeelan lahaayeen Xassan...

Xog: sababata uu u baaqday Kulan ay Gaalkacyo ku yeelan lahaayeen Xassan Shiikh & Deni 

Waxaa meesha ka baxday rajadii laga qabay inay magaalada Gaalkacyo ku kulmaan Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Shiikh Maxamuud iyo hogaamiyaha Puntland Siciid Deni.

Deni oo weli ku maqan safar dibadda ah ayay wararku sheegayaan inuu ka baaqday socdaalkii magaalada Gaalkacyo.

Axmed Karaash oo ah Madaxweyne ku xigeenka Puntland ayaa gelinka hore ee maanta ku wajahan magaalada Gaalkacyo halkaasoo uu ka furayo Koobka Gobollada Puntland.

Wararka ku dhow madaxtooyada Puntland ayaa sheegaya in Deni oo ku sugan magaalada Nairobi uu toos u aadi doono Garowe.

Waxaa sidaas meesha uga baxay hadal-hayntii sheegaysay in Siciid Deni iyo Xasan Shiikh ay kulan gaar ah ku yeelan doonaan Gaalkacyo si ay uga wada-hadlaan khilaafka labada dhinac oo haatan maraya meel adag.

https://www.facebook.com/profile.php?id=100068358165378

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.