Home Afsomali Xog Xasaasi Ah: Yaa Fududeeyay Weeraradii Al Shabaab Ee Horraantii Bishaan Ka...

Xog Xasaasi Ah: Yaa Fududeeyay Weeraradii Al Shabaab Ee Horraantii Bishaan Ka Dhacay Muqdisho?

Waxaa isasoo taraya xogaha ku saabsan taliye ku xigeenkii NISA Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo dhawaan shaqo joojin lagu sameeyay in uu ku jiro saraakiil lagu eedeeyay fududeynta weeraro kooxda al shabaab ay ka geysteen magaalada Muqdisho, Gaar ahaana wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo koontaroolka Ceel-Gaab oo laga ilaaliyo Xarunta Madaxtooyada Villa Soomaaliya.

Xog ay heshay Caasimada Online ayey ku ogaatay in galdacwadeed kiiskaasi la xiriira loo gudbiyay Maxkamadda Ciidamada Qalabka Sidda Ee Soomaaliya oo Su’aalo Lagu Weydiinayo G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur, iyadoo sidoo kale baartiaanada Kiiskaan ay ka qeybqaadaneyso hay’adda dambibaarista ciidamada Booliska Soomaaliyeed ee CID.

Gaashaanle Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur ayaa lagu eedeeyey  in Amarkiisa lagu soo daayay Maleeshiyadkii hubeysnaa ee Al Shabaab ee weerartay 07 July weeraray dhismaha Oto Oto oo ay ku shaqeeyaan wasaaradaha Amniga iyo Arrimaha Gudaha, kuwaas oo watay laba gaari oo qaraxyo ku raranyihiin, sida ay sheegeen saraakiisha loo xirxiray arrintaas oo wali baaritaankoodu socdo.

Agaasimaha Hay’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka Xuseen Cusmaan Xuseen shaqada ka joojiyay G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac oo ahaa taliye ku xigeenka Hay’adda NISA, waxaana hadda socoto baaris kiiskaasi la xiriirto.

Sidoo kale Jaamac ayaa lagu eedeeyey dacwad laga gudbiyey inuu fududeeyay weeraro iyo dilal kala duwan oo lagu dilay odayaal dhaqameedyo iyo dhallinyaro u shaqeynjiray dowladda Soomaaliya, iyadoo mudadii 6 bil ee uu ahaa ku simaha Taliyaha NISA uu sheegay in magaalada Muqdisho uusan ka dhicin hal Qarax taasoo dadka arrimaha Ammaanka Falaanqeeya su’aalo badan ay iska weydiinayeen.

Dowladda Soomaaliya ayaa diyaarineyso qaabkii maxkamad loo soo tagi Cabdulqaadir Maxamed Nuur Jaamac iyo saraakiisha kale ee lagu eedeeyey inuu ka qeybqaadatay fududeynta weerarada Argagixiso ee maalin kasta lagu laayo maatida Soomaaliyeed sida lagu qoray dacawadda laga gudbiyey.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.