Home Afsomali Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax oo ay...

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax oo ay wehliyaan Agaasimaha

Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Feysal Caraale Afrax oo ay wehliyaan Agaasimaha Waaxda Deegaanka Cabdullaahi Maxamed Xasan iyo La-taliyaha Arrimaha Sharciga Guddoomiyaha G/Banaadir Avv. Maxamuud Cabdi Nuur (Kitaabi) ayaa ka qeybgalay kulanka latashiga Dowladaha Xubnaha ka ah Dowladda Federaalka, Maamulka Gobolka Banaadir iyo qaybaha kala duwan ee Ururrada Bulshada, ee Hindise sharciyeedka Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka, kaasi oo dhageysigiisa uu ka socdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Cabdi Xaashi Cabdullaahi, oo furitaanka kulankan ka hadlay ayaa ugu baaqay ka qayb galayaasha in ay soo bandhigaan, fikrado, toosin iyo tusaalooyinka ay ka qabaan sharciga, si guddiga Kheyraadka ee Aqalka Sare halkaasi uga amba-qaadaan qiimaynta soo jeedimaha ku habboon ku daridda ama wax ka badalida sharciga Ilaalinta iyo Maaraynta Deegaanka.
Madaxda ka socota Maamul Goboleedyada dalka, Gobolka Banaadir, Guddiga Khayraadka Qaranka ee Aqalka Sare, Ururada Bulshada iyo xeeldheere-yaal dhinaca deegaanka, ayaa guda-galay dooda iyo aragti ka dhiibashada Hindise Sharciyeedka Ilaalinta iyo Maareynta Deegaanka, kaasi oo horyaala Aqalka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.
—DHAMAAD—

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.