Home Afsomali Xoghayaha Guud ee ummaddaha Midoobay oo si kulul u cambaareeyey talaabo...

Xoghayaha Guud ee ummaddaha Midoobay oo si kulul u cambaareeyey talaabo uu qaaday Ruushka

 

uushka ayaa heshiiskaasi ku ballan qaaday iney wax duqeyn ah ku beegsaneyn maraakiibta xamuulka ee badarka ka soo qaadaya ama geynaya dekadda Odesa.

Wararka ayaa sheegaya in dhowr gantaal oo kuwa riddada dheer oo ay soo rideen ciidamada Ruushka ay magaaladaasi ku dhaceen waxyeellana ay u geysteen kaabayaasha dekadda.

Xoghayaha guud ee Qaramada midoobay Antonio Guterres ayaa si kulul u cambaareeyey duqeynta Ruushku ka geystay dekeda Odesa ee Koonfurta Ukraine

Antonio Guterres  ayaa ku baaqay in la dhaqan geliyo heshiiski cuntada ee ay wada gaareen Ruushka, Ukrain iyo Turkiga lagama maarmaan ay tahay.

Madaxa siyaasadda arrimaha dibadda ee Midowga Yurub Josep Borrell ayaa sheegay in bartilmaameedka muhiimka ah ee dhoofinta badarka ay mar kale muujisay sida uu Ruushku u ixtiraami waayay sharciga caalamiga ah iyo ballanqaadyada.

Ruushka ayaan wax hadal ah ka soo saarin weerarkaasi, halka Safiirka Mareykanka ee Ukraine uu weerarkaasi ku tilmaamay wax laga xumaado.
Ciidamada Ruushka ayaa magaalada Odesa ku garaacay gantaalaha riddada dheer, duqeyntaasi oo shaki gelisay dhaqan galka heshiiskii la gaaray oo ku saabsanaa in dib loo billaabo dhoofinta badarka ku xaniban dekedaas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.