Xoghayah guud ee ururka Suxufiyiinta Soomaaliyeed ee Somali Journalists Syndicate – SJS ayaa lagu xiray Muqdisho.
Cabdalla Muumin waxaa la sheegay in ay xireen ciidamo ka mid ah laamaha Amniga.
Saaka ayuu sheegay in ciidamo ka tirsan NISA ay soo weerareen Xafiiska uu ku leeyahay magaalada Muqdisho.
Waxaa uu ka mid ahaa ururo kasoo horjeestay xadidaad ay dowladdu kusoo rogtay wararka Al-Shabaab.