Home Afsomali Xoogaga Taliban oo ku dhawaaqday Gole wasiiro cusub oo ku-meel gaar ah

Xoogaga Taliban oo ku dhawaaqday Gole wasiiro cusub oo ku-meel gaar ah

Taalibaan ayaa maanta u magacowday Mullah Mohammad Hassan Akhund, oo ay saaran tahay cunaqabateynta QM, inuu noqdo madaxa xukuumad ku-meel gaar ah oo ay dhistay.
Afhayeenka Taalibaan Zaibullah Mujahid, oo shir jara’aaid ku qabtay Kabul, ayaa sheegay in Abdul Ghani Baradar, oo wax ka aas-aasay Taalibaan, uu noqon doono ra’iisul wasaare ku-xigeenka.

Mullah Mohammed Yaqub, oo ah wiilka aas-aasihii Taalibaan Mullah Omar, ayaa loo magacaabay wasiirka gaashaandhigga, halka wasaaradda arrimaha gudaha madax looga dhigay Sirajuddin Haqqani, oo ah hoggaamiyaha shabakadda laga cabsado ee Haqqani.

“Golaha Wasiirada ma ahan mid dhameystiran waa ku-meel gaar,” ayuu yiri Zabihullah Mujahid.

,Waxaan dad kale uga soo dari doonnaa qeybaha kale ee dalka.”
Amir Khan Muttaqi, oo ahaa wada-xaajoodihii Taalibaan ee wada-hadalladii Doha, kuna jiray dowladdii hore ee Afghanistan, ayaa loo magacaabay wasiirka arrimaha dibedda.

Weli lama shaacin doorka uu dowladda ku yeelan doono Mullah Haibatullah Akhundzada, oo ah hoggaamiyaha Taalibaan, kaasi oo aan fagaare lagu arag tan iyo markii ay ciidamada shisheeye ka baxeen dalkaas.

Magacaabista shaqsiyaadkan caanka ah ee awoodda ku dhex leh kooxda, ayaa muujineysa in Taalibaan aysan wax tanaasul ah u sameeneyn shacab maanta dibad-bax ka dhigay Kabul, oo lagu kala eryey rasaas ay ciidamada Taalibaan kor u rideen.

Taalibaan ayaa shacabka Afghanistan iyo dalalka dibedda u xaqiijisay inay dhisi doonto dowlad loo dhan yahay, hase yeeshee magacaabista maanta ma muujin taas.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.