|
Iyadoo uu duullaanka Ruushka galay maalintii sideedaad, ayaa waxaa soo baxaysa xog ku aaddan xooggag mayal adag oo lagu eedeeyay Islaam naceyb, kuwaasoo ka garab dagaallamaya ciidamada Ukraine.
Waxaa lagu magacaabaa Azov, Madaxweynaha Ruushkana waxa uu ku tilmaamay inay yihiin Nazi uu ka cirib tiri doono guud ahaan Ukraine.
Qaar kamid ah warbaahinta ayaa si weyn uga hadashay muuqaal laga duubay askar ka tirsan xooggaga Azov oo isu diyaarinaya dagaal ka dhan ah ciidanka Chechnya ka so socda ee ku sugan gudaha Ukraine.
Muuqaalka ayaa muujinaya xooggaga Azov oo rasaastooda marinaya subag doofaar, ka hor inta aysan kula dagaallamin xooggaga Chechnya ee Muslimiinta ah. Islaamka ayaa doofaarka u aqoonsan xayawaan niyaas ah.
Jabhaddan ayaa sidoo kale ku lug tababarka dadka rayidka ah ee doonaya inay ka hortagaan duullaanka Ruushka ee Ukraine.
Maxay yihiin Azov?
Waa xooggag milateri mayal adag oo la rumaysan yahay in xubnaha ka tirsan ay gaarayaan 900 oo askari. Waxaa lagu eedeeyay inay aaminsan yihiin afkaartii Naziga iyo in la weyn tahay caddaannimada.
Waxaa la sheegay inuu asaasay nin lagu magacaabo Andriy Biletsky, kaasoo rumaysan in dadka caddaanka ah looga baahan yahay inay hogaamiyaan caalamka. Waxa uu ka tegay hogaaminta xooggagaas sanadkii 2014, isagoo ku biiray baarlamaanka Ukraine oo uu kamid ahaa ilaa 2019.
Azov ayaa ka qeyb qaatay dagaalka Ukraine ay kula jirto xooggaga gooni u goosadka ah ee Donetsk, ee bariga dalkaas.
Sanadkii 2014 ayaa Azov waxa ay kamid noqdeen ciidanka qaranka Ukraine, waxaana si weyn u bogaadiyay madaxweynihii Ukraine ee xilligaas, Petro Poroshenko.
“Waa dagaalyahannadeena ugu wanaagsan,” ayuu Proshenko ka sheegay munaasabadii Azov lagu qaramaynayay.
Tacaddiyo xuquuqda aadanaha
Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay soo saartay sanadkii 2016 waxa ay ku sheegtay in xooggaga Azov ay galeen dembiyo ka dhan ah sharciga caalamiga ah ee bani’aadannimada.
Warbixinta oo uu soo saaray guddiga xuquuqda aadanaha u qaabilsan Qaramada Midoobay ayaa lagu sheegay in mudadii u dhaxaysay November 2015-February 2016 ay xooggaga Azov barakiciyiin, kufsadeen isla markaana jirdil u geysteen dad rayid ah oo ku nool gobolka Donbas.
Bishii June 2015, Canada iyo Maraykanka ayaa shaaciyay in aysan tababar milateri siin doonin xooggaga Azov, xiriirka ay la leeyihiin Naziga awgii.
Sanadkii xigay ayuu Maraykanka ka qaaday xayiraaddaas, kadib cadaadis uga yimid Pentagon.
Dabayaaqadii 2019, afartan xubnood oo ka tirsan Congress-ka Maraykanka ayaa isku dayay in Azov loo aqoonsado urur argagixiso dibedda ah. Dedaal noocaas ah oo bishii April ay sameeyeen xildhibaanno kale ayaa markale guulaysan waayay.
Ukraine ayaa hadda noqotay saldhig ay isku urursadaan xooggaga mayalka adag ee ay ku weyn tahay caddaannimada, waxaana ay rag badan uga tagaan saddex qaaradood si ay ugu biiraan Azov, una helaan tababar milateri.