Home Afsomali Xooghaayaha bugta ah ee cumar faaruuq cunaha dhiiga wariyaasha koofurta ayaa reer...

Xooghaayaha bugta ah ee cumar faaruuq cunaha dhiiga wariyaasha koofurta ayaa reer garawe amar duldhigeen sii aqri

Wasaaradda Warfaafinta Puntland ayaa ka mamnuucday Cumar Faaruuq Cismaan oo sheegta inuu yahay xoghayaha ururka Saxafiyiinta Soomaaliyeed uu ku qabto wax shir ah ama tababar ah magaalada Garoowe ee caasimadda Puntland.

Wareegto ka soo baxday wasaaradda Warfaafinta Puntland kuna saxiixan yahay Cabdi Xirsi Cali (Qarjab) oo ah wasiirka wasaaraddaasi ayaa lagu sheegay in Cumar Faaruuq uusan ogolaansho ka haysan dowladda Puntland sidaasi darteedna qaban karin wax shir ama tababar ah.

Cumar Faaruuq ayaa gaaray shalay magaalada Garowe mana jirto illaa iyo hadda wax jawaab ah oo uu ka bixiyay amarka lagu soo rogay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.