Home Afsomali Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda

Xubin ka tirsanaa Shabaab oo isku dhiibay ciidanka dowladda

Taliska ciidanka Nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee gobolka Gedo ayaa magaalada Garbahaarey ku soo bandhigay Cabdicasiis Maxamuud Diiriye oo 12-kii sano ee lasoo dhaafay ka tirsanaa Al-Shabaab.

Cabdicasiis ayaa ka soo goostay Al-Shabaab sidda ay sheegeen taliska NISA.

Taliska ayaa sheegay in ninkaan  uu soo goostay kadib markii uu u adkeysa waayey xaalada ay ku suganyihiin, wuxuuna isku soo dhiibay gacanta dowladda, gaar ahaan ciidanka qaranka ee ka howlgala gobolka Gedo.

Cabdicasiis ayaa sheegay in uu ka tanaasulay fikirkii Al-Shabaab, islamarkaana hadda uu diyaar u yahay in uu la shaqeeyo ciidanka dowladda Soomaaliya.

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-Shabaab oo ku aadan in ninkaan uu  ka tirsanaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.