Daraasada ay soo saartay hey.ada uu madaxdeeda uu ka mid ayahay Raiisal wasaarihii hore ee dowlada Ethiopia ayaa shaaca ka qaaday waxay ula jeedo mooyee in baarlamaanka cusub ay ku jiraan kooxo diimeydyo gaaraya tiro ahaan ilaa 6 qeybood waxayna ahy,daani la shaqeysaa wasaarada arimaha dibada ee isla dalkaasi
Cilmi baaris ay sameeyeen ayey ku sheegeen bayaan ay ka soo saareen in xubnaha baarlamaanka cusub ku jiraa qaarkoo ay halis galin karaan siyaasada somaliya
Warbixinta ayaa tibaaxday in baarlamaanka cusub ee Somaliya ay isugu jiraan siyaasiyiin,da,yar oo dalka dibadiisa ka soo laabtay masuuliyiin hore xilal dowladeed uga soo qabtay Somaliya kuwaas oo xiriir dhow la leh kooxda damu jidiid iyo xubno kale oo taageero Alshabaab
Sida lagu faafiyey qoraalo ay hay,ada CDRC xafiisyadeeda ka soo baxay xubnaha baarlamaanka ayey hey,adu u kala qeybisay xildhiaano tujaar ah iyo kuwo kale oo fuqoro ah oo aan la dhayelsan Karin waxayna abuuri karaan dalado iska soo horjeedo kuwaas oo noqon kara kala ujeedo waxaana ururada ugu badan lagu sheegay .
Ururka damjadiid ,ururka suufiyada ,alislaax,ururka wahabiyada ,al ictisaam,iyo isbedel doon.
Hay,da uu gudi sare kaga jiro wasiirkii hore ee arrimaha dibedda Ethiopia Seyoum Mesfin. Ayaa dooneysa in uu burburo dalka soomaaliya waxay soo saartay sadaal aan wax samo ah laheyn waxaana ku jira warbixinteeda in xildhibaanada cusubi ku soo baxeen lacago laaluush ah waxayna ku sheegtay in mid kasta uu ku soo baxay qarash dhan labaatan ku doolar ilaa boqol kun doolar
Iyada oo ka saadaal qaadaneysa qiimaha ay shegtay ayey tilmaantay in ay gaari doonto codeynta doorashada madaxweynaha qiimaha ugu sareeyo ee Kursi la siisto .
Warbixintaan ay soo saartay hay.adaan Ethiopian ah ayaa dadka intiisa badani ka aamin san yihiin ujeedo kale oo ah in ay dooneyso iska horkeen iyo kala qeybin ku socoto xildhibaanada cusub .
Dalka Ethiopia waxaa ka jira in ka badan boqol diimood iyo ururo badan oo xagjiro ah kuwaas oo haatan ku wada nool xukunka hal madaxweyne wuxuuna dalkaasi leeyahay hal calan.
https://youtu.be/N5I81-k_a18
Dhanka youtube ka https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0pnfHJ7g/videos?shelf_id=0&sort=dd&view=0