Home Afsomali xubno ka tirsan  Al-shabaab oo u gudbay deegaanada Somaliland

xubno ka tirsan  Al-shabaab oo u gudbay deegaanada Somaliland

ilo ka tirsan laamaha amniga maamulka Puntland ayaa xaqiijiyay in  xubno ka tirsan  Al-shabaab ee ku sugan buuraleyda Galgala ay todobaadkii hore u gudbeen dhinaca Somaliland.

Lamaanaha Ammaanka Puntland ayaa laga soo xigtay in xubnaha gudbay ay ku jiraan saraakiil, balse aan tiradooda rasmiga ah la xaqiijin.

Somaliland ayaa todobaadkii lasoo dhaafay adkeysay Ammaanka Magaalooyinka waa weyn.

Dadka kunool Magaalooyinkaasi ayaa sheegaya in baaritaanada ay yihiin kuwo aan horay looga baran Ciidanka, islamarkaana heegan buuxa la galiyay oo sidoo kale ay jiraan wadooyin ay xireen.

Waxaase adag in xog sugan laga helo ujeedka xubnaha Al-shabaab iyo halka ay u socdeen, marka laga reebo wararka xaqiijinaya in ay galeen dhinaca Somaliland.

Somaliland ayaa ka mid ah meelaha ugu ammaanka wanaagsan Soomaaliya, waxaana sanadyadii lasoo dhaafay ka jirtay xasilooni dhanka nabadgaliyadda ah oo la isku haleyn karo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.