Home Afsomali Xubno ka tirsan Xerta Timo weynta oo Ka Dhawaajay in ...

Xubno ka tirsan Xerta Timo weynta oo Ka Dhawaajay in Al-qaacida Joogaan Somaliland

Dabayaaqada toddobaadkii ina dhaafay ayey ahayd markii si rasmi ah loo soo afjaray muranka Masaajidka Sheekh Is-xaaq ee magaalada Berbera, ka dib markii ismaan-dhaaf la xidhiidha cidda xaqqa u leh naadir-nimada ama xaqqa gacan ku haynta masjidka uu dhex-maray qoyska waalidiintii waqafka u bixiyey dhulka iyo dhismaha Masjidka, iyo sida oo kale culimada Timo-weynta loo yaqaano.

Muranka ama khilaafka arrinkan oo horraantii toddobaadkii ina dhaafay ay ka garnaqiisa bilaabeen koox culimo ah oo ay wasaaradda diinta iyo awqaaftu u xuleen xal u helidda Masaajidkaas. Dhageysiga dacwadda ama doodaha muduciga iyo madaacalayda oo ka socday hoolka Jaamacadda Badda ee magaalada Berbera, ayaa docda kale madasha dacwaddu waxay ahayd mid u furan bulsha weynta ku dhaqan magaalada Berbera, halka iyana dhageysiga dacwadda ay goob-joog ka ahaayeen wasiir ku xigeenka diinta iyo awqaafta Somaliland iyo agaasimaha guud ee wasaaraddaas.

Iyada oo guddida xeer-beegtida hawsheedu ay ahayd mid sidaas u cad, ayaa hada na waxa fajac iyo ama kaag ku noqday bulshada Somaliland bari iyo galbeed dhawaaqii dhiilada lahaa ee ka soo yeedhay culimada Timo-weynta, gaar ahaan xubnahii ku sugnaa magaalada Berbera isla markaana taako taako u la socday habka ay dacwaddu u socotay, hadalkaas oo si aan gabasho lahayn ay ugu dhawaaqeen xubno ka mid ah culimada timo-weynta, ka dib markii guddigii xeer beegtigu ay ku dhawaaqday natiijaddii dacwadda Masaajidka, taas oo gar lama nin kama wada qoslisee guddigu u xukuntay   xubnahii qoyska waalidiintoodu waqafka u bixiyeen.

Dhawaaqaa dhiilada lahaa oo uu ku dhawaaqay nin sheegta in uu yahay Sheekhul-Beledka Berbera ee xerta Timo-weynta, lagu na magacaabo Cabdiqani Sheekh Cali Xaaji Xasan, taas oo dhalasho ahaan ka soo jeeda deegaanada kilalka Shanaad ee Itoobiya, gaar ahaan nawaaxiga Jig-jiga, waxa uu si cad u sheegay in ay Somaliland ku sugan yihiin xubno ka tirsan ururka Al-qaacida, isla markaana guddigii xeer beegtiga oo tira doodu dhammayd Sagaal Xubnood ay ahaayeen kuwo ka tirsan ururka Al-qaacida, halka dhinaca loo xukumay iyo wasaaradda diinta iyo awqaafta na uu ku xidhiidhiyey in ay ka tirsan yihiin ururka Al-qaacida.

“….Aniga oo ah Cabdiqani Sheekh Xaaji Xasan, waxa aan u sheegayaa dawladdeena in maanta halkan xukun baadil ahi ka dhacay, oo la xukumay kaas oo wasaaradda Diinta iyo Aw-qaaftu ay madax ka tahay iyada iyo guddigu na Masaajidka iyagaa qabsaday markii hore imika na iyagaa guddi ka ahaa oo xukuntay. Kuwa na xukumay iyo kuwa loo xukumay ba waa Al-qaacida….”.

Hadalkan xajiinta badan, bulshada reer Somaliland inteed badan, waxa uu xasuusinayaa dhawaacii ka soo gaadhay hadal si dhib yar la iskaga yidhaa. Tusaale ahaan muddadii u dhaxaysay 1998 iyo 1999 waxa Alle ha u naxariistee isu-duwihii caafimaadka ee gobalka Sanaag uu ku dhawaaqay in xoolaha Somaliland ay qabaan xumadda loo yaqaano Rifty Valley, dhawaaqaasi waxa uu wakhtigaa sababay in dawladda Sucuudi Arabiya ay mabnuucday Xoolahii Somaliya iyo Somaliland uga iman jiray.

Dhacdadaasi, waxa kale oo wakhtigaa ay sababtay in uu curyaamo dhaqaalahii tamarta yaraa ee Somaliland isla mar kaana ay adkaato nolosha boqolaal kun oo qoys oo reer Somaliland ah. Hada ba iyada oo ay sidaa tahay, hada na dhawaaqan ka soo culimada Timo-weyn waxa loo nisbeyn karaa in uu yahay mid ku salle ujeedo ka duwan Masjidka Sheekh Isxaaq, oo uu yahay fariin loo dirayo shirkadda Dp World, saaxiibadda Somaliland, dawladaha aynu deriska nahay iyo wadamada isu-bahaystay la dagaalanka ururka Al-qaacida. Sidaa darteed na ay culimada ni dhawaaqooda ugu talo-galeen in magaalada Berbera iyo Somaliland ba ay faro-gelin caalami ahi ku timaado.

Somali du waxa ay ku maahmaahdaa nin hulaabasho xun in uu wax-qarsanayo ayaa la moodaa, si kasta ba ha ahaatee Xukuumadda Somaliland haddii ay afka ka xidhato dhawaaqaa cadowgaa cadownimo ee culimada Timo-weynta, waxa arrintu noqon doontaa in Xukuumadda lafteedu kula socoto arrinkaas balse haddii ay ka bixiso jawaab cad oo isugu jirta af iyo gacan, iyada oo eegaysa culeyska iyo dhibbaatada arrinkaas ka iman karta, waxa taasi noqon kartaa mid dejisa iyo shucuurta iyo waalalowga arrinkani bulshada ku abuuray, waxaana waxa walba ku xidhan yihiin tallaabada ay Xukuumaddu ka qaado maalmaha fooda inagu soo haya.

Dhanka youtube ka linkiga hoose 

https://www.youtube.com/channel/UCbEqHSbI6baCmdD0p

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.