Home Afsomali Full VIDEO Xukumada somaliya oo amaratay shacabka in ay joojiyaan isku soo...

Full VIDEO Xukumada somaliya oo amaratay shacabka in ay joojiyaan isku soo bixi jimcaha muqdisho ee mucaaridku ku Iclaaliyeen

Shir jaraa’id oo galabta ay Muqdisho ku qabteen wasiirada caafimaadka, warfaafinta iyo amniga oo ay hareer joogeen taliyaasha ciidamada xoogga iyo Booliska ayaa lagu sheegay in dawladda oo ka duulaysa xaaladda faafista cudurka COVID-19 iyo talooyinka ay bixiyeen madaxda sare iyo khuburada caafimaadka ay soo saartay amarro cusub oo lagu xakamaynayo cudurka.

Wasiirka warfaafinta xukuumadda FS mudane Cusmaan Abuukar Dubbe ayaa sheegay in la fasaxay shaqaalaha dawladda, marka laga reebo shaqaalaha ka hawlgala meelaha muhiimka ah ee aan adeeg bixinta dawladda looga maarim, lana joojiyey dhammaan kulamada bulshada.

Dawladdu waxay bulshada ku adkaysay in la dhaqangaliyo dhammaan talooyinka caafimaad ee la xiriira ka hortagga cudurka COVID-19, oo ay ku jirto in la kala fogaado af-xirkana la qaato, waxaana masaajidda, goobaha waxbarashada iyo cayaaraha loo samaynayaa hab nidaamin gaar ah oo lagu ilaalinayo badqabka bulshada.

Wasiirka caafimaadka xukuumadda FS marwo Fowsiyo Abiikar Nuur ayaa xustay in 24-tii saac ee la soo dhaafay ay cudurka u geeriyoodeen ilaa 15-qof 50-kalena ay u jiifaan Isbitaalada dawladda, sidoo kalena ay jiraan dad cudurka u geeriyooday oo aan la diiwaan galin, taas oo muujinaysa in khatarta cudurku sare u kacday.

Waxay sheegtay inay hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO la kaashanayaan baaritaanka cudurka COVID-19, si loo ogaado nuuc cusub inuu yahay iyo in kale, iyadoo tallaaka cudurka uu soo gaari doono, kaas oo xakamayntiisa qayb wayn ka qaadanaya.

Wasiirka amniga xukuumadda FS Xasan Xundubeey Jimcaale ayaa isna sheegay in dawladda ay mas’uuliyad ka saarantahay badbaada bulshada, sidaa darteedna go’aanadan lagu saleeyey aqoon caafimaad iyo xog ogaalnimada xaaladda dalka, waxaana uu intaa ku daray in ciidamadu u xilsaaranyihiin dhaqangalinta go’aanada dawladda ka soo baxay.

Wasiirka oo la weydiiyey banaanbaxa ay musharixiinta xilka madaxweynaha qaarkood ku baaqeen ayaa xusay inuusan jirin ogeysiin rasmi ah oo dawladda soo gaaray, inkastoo muwaadiniinta uu sharciga dalku siinayo xaq ay fikirkooda ku soo bandhigi karaan, balse aan la ogolayn kulan dadweyne si cudurka looga digtoonaado.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.