Maxkamadda Magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa xukun ku ridday shan dhallinyaro ah oo lagu helay in qoys danyar ah oo ku nool Magaalada Boosaaso ay dhawaan kula kaceen fal tacadi ah.
Mid ka mid ah dhallinyarada ayaa maxkamaddu ku xukuntay Lix sano oo xarig ah, Halka Afarta kale lagu xukumay min shan sano oo xabsi ah iyo min afar kun oo Dollar.