Home Afsomali Xukun lagu riday dad loo heysto kufsi ka dhacay Galgaduud

Xukun lagu riday dad loo heysto kufsi ka dhacay Galgaduud

Maxkamadda Gobolka Galgaduud qeybteeda Magaalada Cadaado ayaa Maanta waxaa ay xukun kala duwan ku riday Shan ruux oo la sheegay inay ku lug lahaayeen kufsi ka dhacay Deegaan hostaga Degmada Galinsoor ee Gobolka Galgaduud.

Shanta Ruux oo kala ah afar rag ah iyo haweeney ayaa Maxamadeyntooda dhawaan bilaabatay,waxaana Afarta ragga ah lagu helay inay kufsi wadareed u geysteen Hodan Maxamed Diini halka Haweeneyda lagu eedeeyay inay Shirkoolka Gabadha lagu kufsaday ay soo maleegtay.

Afar kamid ah eedeysanayaasha ayaa ka dhaartay falkaasi inay ku lug lahaayeen,kuwaas oo kala ah Cadceed Cabdullaahi Ciise, Ifraax Cabdi Maxamed, Liibaan Xuseen Axmed iyo Keyse Maxamuud Nuur halka Cali Daahir Cabdi uu qirtay in falkaasi uu ku lug lahaa,isla markaana Gabadha xiriir badan lahaayeen.

Guddoomiyaha Maxkamada Gobolka Galgaduud qeybteeda Cadaado Sheekh Maxamed Guuleed Keynaan oo xukunka ku dhawaaqay ayaa sheegay in 4-kamid ah lagu xukumay 6-bilood oo xarig ah halka eedaysanaha 5-aad oo ah kan qirtay in xiriir uu kala dhaxeeyay gabadha lagu xukumay jeedal,masaafurin iyo 44-dago oo meher ah sida uu ku dhawaaqay Garsooraha Maxkamada Gobolka Galgaduud qaybteeda Cadaado.

Previous articleWasiirka Cadaalada oo digniin u direy Ciidamada Shacabka ku dila Magaalada Muqdisho
Next articleEgypt and Ethiopia Squabble Over Nile Ignoring Bigger Threats

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.