Xukuumadaha soo socdo golaha wasiirada waa in lop badiyaa culumada aan dalka ka bixin ee xaakad kasta u soo joogay hadane sii aqriso maqaal uu qorey wariye ruugcadaa ah wax badane u soo joogay.
Is-macneys Badanaa, Wasiirrada Soomaaliyeed!
Soo noqo, berri u imow, ballan ma kuu taalaa, xiriir sameey iyo wixii la mid ah ayaa marka horaba lagugu salaamayaa, intaas oo lugooyo ah marka aad ka gudubto, waxaa lagugu tuurayaa meel la yiraahdo qeybta soo dhaweynta wasiirka.
Saacaddo badan ayaa halkaas ku qaadan doontaa, hurdo ayaa kugu qaban doonto fadhigaas, maadaama aad waqti badan joogi doonto, ma dhacayso saacaddii aad ballanta laheyd inaad la kulanto wasiirkii aad u timid.
Ishaada waxaa buuxin doono, inta aad joogto qolka sugitaanka wasiirka, rag iyo hablo isugu jira wasiirro, saaxiibadda iyo ehellada wasiirka oo marba kii yimaada si fudud gudaha loo sii galinaayo, si ay ula kulmaan wasiirka aad adiga saacadaha badan sugayso.
Dhib badan ayaa lagu qabaa la kulanka wasiirrada Soomaaliya, saacaddo, maalmo iyo toddobaadyo ayaa laga yaabaa inay kaa qaadato aragtidiisa, dadka qaarkiis waxay ku duceystaan ilaahow wax dan ah ha naga soo galin xafiis uu fadhiyo wasiir Soomaaliyeed.
Dhawaan ayaa arrin ka yeeshay xafiis uu leeyahay wasiir Soomaaliyeed laakiin waa ku jabey, rafaad in igu filan ayaa kala kulmay, waa ku caajisay, isla markaana waa ku hurday kursigii aan ku fadhiyay, kaddib markii aan saacaddo badan halkaas fadhiyay, ugu dambayntii, go’aan waxaa ku qaatay inaan ka tanasulo dantii aan ka lahaa xafiiska wasiirkaas.
Caqligu ha shaqeeyo, fiicnaan laheydaa inay wasiirrada Soomaaliya wax ka badalaan is-macneynta badan iyo sida loogu adkeeyo dadka caadiga ah ee danta ka soo yeesha xafiisyadooda.