Home Afsomali Xukuumadda oo faah faahisay qodobada Maanta looga hadlayo Shirka Golaha Wasiirada

Xukuumadda oo faah faahisay qodobada Maanta looga hadlayo Shirka Golaha Wasiirada

Ra’iisul Wasaare Ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya  Saalax  Axmed Jaamacayaa furay kulan Wadareedka Golaha Wasiirrada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya oo galay maalintii labaad, laguna gorfeynayo howlaha mudnaanta u leh xukuumadda Soomaaliya  iyo hay’adaha kala duwan ee dowladda.

Ra’iisul Wasaare kuxigeenka oo faah faahin ka bixinayay waxyaabaha Maanta looga hadlayo shirka ayaa sheegay in manta diirada lagu saarayay Arrimaha Amniga, cadaaladda & Dastuurka horumarinta dhaqaalaha iyo Arrimaha Bulshada.

Wuxuu sidoo kale sheegay in dhammaan qodobada shirka looga hadlayo dood dheer ay ka yeelanayaan Golaha Wasiirada iyo khubaro qeyb ka ah kulanka oo uu kamid yahay Guddoomiyihii hore ee Golaha Shacabka Maxamed Sheekh Cusmaan Jawaari.

Maanta ayaa qorshuhu ahaa in shirka la soo eba-gabeeyo, hayeeshee Golaha Wasiirada Soomaaliya ay dood adag ka yeesheen arrimaha hortebinta u leh Xukuumadda, waxaana la filayaa in Maalinta berito ah la soo geba-abeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.