Home Afsomali Xukuumadda Somaliland oo Odayaasha Dhaqanka kala hadashay dhibaatadii ka dhalatay banaanbaxyada

Xukuumadda Somaliland oo Odayaasha Dhaqanka kala hadashay dhibaatadii ka dhalatay banaanbaxyada

 

Wasiirka Wasaaradda Arimaha Gudaha Somaliland Maxamed Kaahin Axmed, ayaa kulan kula qaatay Madax dhaqameedka Somaliland Xarunta Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Magaalada Hargeysa.

War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha ayaa waxaa lagu sheegay in ujeedada ugu wayn ee kulanka ay ahayd ka wada shaqaynta arrimaha nabadgelyada iyo sidii dhinac looga soo wada jeesan lahaa cidkasta oo wax yeelaynaysa nabadgelyada Somaliland.

Wasiirka ayaa Madaxdhaqameedka la wadaagay dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyadii ay sameeyeen Xisbiyada Mucaaradka ah maalintii Khamiista, taasoo dhibaato loogu geystey Ciidamadii Booliska ee ilaalinaya nabadgelyada, iyada oo ay jirtay in dadkii bannaabaxayay badi dhibaato loo geystay.

Madaxdhaqameedka ayaa dhinacooda sheegay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay Wasaaradda Arimaha Gudaha kala shaqeeyaan adkaynta nabadgelyada, iyada oo dhinac la iska wada taagayo waxkasta oo nabada  Somaliland wax u dhimaya iyo guud ahaan wada jirka bulshada.

Xukuumadda Somalilnd iyo Xisbiyada mucaaradka ayaa midba midka kale ku eedeynaya in uu mas’uul ka yahay dhibaatadii ka dhalatay bannaanbaxyada, iyada oo ay xusid mudan tahay inay dad ku dhinteen kuwo kalena ay ku dhaawacmeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.