Home Afsomali Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Suuro Gal Ahayn In Madaxweyne Siilaanyo...

Xukuumadda Somaliland Oo Sheegtay In Aanay Suuro Gal Ahayn In Madaxweyne Siilaanyo Uu Cid Kale Ku Wareejiyo Awoodiisa Maamulka Ciidamada Qaranka Wakhtiga Doorashada

 

Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland ayaa si adag uga jawaabtay baaq ka soo yeedhay Gudoomiyaha Xisbiga mucaaridka ah ee Waddani Md. Cabdiraxmaan Cirro oo ku baaqay in Madaweyne Axmed Maxamed Siilaanyo uu Komishanka doorashooyinka ku wareejiyo awooda maamulka ciidamada dalka maalinta doorashada.

 

Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Mudane Maxamuud Xaashi Cabdi oo arrintaasi ka jawaabay ayaa sheegay in aanay suuro gal ahayn in Madaxweynuhu uu masuuliyadiisa Dastuuriga ah cid kale ku wareejiyo, arrintaasi aanay marba dhacaynin.

 Wasiir Xaashi ayaa sidoo kalena waxa uu sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Axmed Maxamed Siilaanyo uu dhex u yahay dhammaan bulshada iyo xisbiyada qaranka marka uu gudanayo waajibaakiisa shaqo ee ay ka mid yihiin maamulka dalka iyo ilaalinta amniga qaranka.

 Wasiirka Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi, ayaa waxa kale uu uu balan qaaday Xukuumad ahaan inay dalka ka qaban doonaan doorasho xor iyo xalaal ah, waxaanu yidhi “Annagu waxaanu nahay xisbigii tallada hayey, Madaxweyne Siilaanyo wuxuu ku jiraa maalmihii u dambeeyey,waxa aannu leeyahay qarankan nabadgalyo ayaanu ka doonaynaa, waxaanu ka doonaynaa in si nabad ah lagu codeeyo, doorasho xor iyo xalaal ah ayaannu balan qaadaynaa, doorashadana shiidigeeda ma hayno waxa haya guddida doorashooyinka qaranka.”

 

Wasiir Maxamuud ayaa intaasi ku daray “ Madaxweynuhu wuxuu masuul ka yahay guud ahaan habsami u socodka hawlaha qaranka, maamulka iyo gacan ku haynta amniga. Amniga iyo maamulkiisana u wareejin mayno masuuliyadaa cid kale madaxweyne SIilaanyo ayaa iska leh, cidina lama wadaagto, waxaanu maqlaynay haloo wareejiyo guddida doorashooyinka qaranka, xeer ugub ahna samayn mayno qaranku hore ayuu u soo jiray. Doorashadii u horaysayna maaha, wuu soo tartamay qaranku.”

 Wasiirka ayaa sidoo kalena sheegay in Madaxweyne Siilaanyo uu yahay oday dhex ah oo aan tarmaynin waxaanu yidhi “ Madaxweyne Siilaanyo maanta waa oday aan tartamayn, Madaxweynayaal tartamaya ayaa halkan ka soo taliyey oo ciidamada maamula, oo lacagta maamula oo inta la tartamay, hadana laga helay doorashadii, laakiin maanta ragga tartamayaa midna gacanta kuma hayo, Madaxweynaha qaranka Somaliland waa taliyaha guud ee ciidamahada qaranka isaga ayaa amniga maamula, masuuliyadaasna waa u dhex, marka uu masuuliyadaa gudanaya ummaddana waa u dhex, xisbiyadana waa u dhex, ragayaga gacanyareyaasha ahina siyaasadaas ayaannu ku shaqynaynaa, dhex baanu ummadda markaa u nahay, marka kalena dhinac ayaannu nahay oo raggaa is haya ee fardaha leedada saaran baanu ka mid nahay, ee codka kala boobaya, iskagama kaayo khaldana, waxaan ku soo ururinayaa bulshada inay Nabadda ka shaqeeyaan.” Ayuu yidhi Wasiirka Wasaarada  Madaxtooyadda Maxamuud Xaashi Cabdi oo  ka hadlayey gunaanadka shir beelaha Beelaha Biciide Yoonis Iyo Buraale Yoonis ee beesha Habarjeclo ay ku lahaayeen deegaanka Dooxa Dagaar ee gobolka Sanaag.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.