Madaxweynihii hore ee Dowlad goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf oo safar dhinaca dhulka ah uga soo ambabaxay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug ayaa saakay soo gaaray Deegaanka Godinlabe ee Gobolka Galgaduud.
Masuuliyiin ka tirsan maamulka galmudug, xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo qeybaha kala duwan ee bulshada ayaa madaxweyne Xaaf waxaa ay ku soo dhaweeyeen Deegaanka Godinlabe ee gobolka galgaduud, waxaana xubnahaaasi ka mid ah madaxweynaha Galmudug Qoor Qoor iyo ku xigeenkiisa.
Wararka ayaa intaas kusii daraya in Axmed Ducaale Geelle Xaaf lagu wado inuu ka qeyb galo Munaasanadda Caleema-saarka Madaxweyne Axmed Cabdi Kaariye Qoorqoor, isla markaana uu xilka ku wareejiyo.
Ammaanka Deegaanka Godinlabe ayaa maanta aad loo adkeeyay, waxaana labada masuul uu haatan kulan uga socdaa Deegaanka Godinlabe
Madaxda ayaa lagu wadaa in daqiiqo kadib ay warbaahinta kula hadlaan Deegaanka Godinlabe