Home Afsomali Xuseen Carab ciise oo ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ee...

Xuseen Carab ciise oo ku soo baxay doorashada xubnaha aqalka hoose ee Muqdisho lagu qabtay

Doorashada Xildhibaanada Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa si habsami leh uga socota magaalada Muqdisho, iyadoo maanta la doortay Afar kursi.

Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa mar kale ku guuleystay doorashada Kursiga Aqalka Hoose ee Kursiga Beesha Ciidagale, Baha Deqsi, isagoo helay 47 cod.

Xuseen Carab ayaana si aqlabiyad leh ugu guuleystay kursigaas, waxaana difaacday kursigiisa.

Sidoo kale waxaa Kursiga Xildhibaannimo ee Beesha Muse Dhariyo ku guulestay Saciid Maxamed Maxamuud oo helay 43 cod.

Waxaa kaloo kursiga Beesha Arab, gaar ahaan jufada Gulane ku guuleystay C/risaaq Dahir Maxamuud oo la tartameysay qof haween ah, isagoo helay 49 cod.

Biixi Iimaan Cige ayaa ku guuleystay kursiga Beesha Ciidagale, jufada danwadago, isagoo ahaa ahaa doorashadii kursiga koowaad, waxaa uu helay 47 cod.

Mr Biixi ayaa horay ugu shaqeynayay Qaramada Midoobey, waana xildhibaan cusub oo ka mid noqonaya Xildhibaanada ka soo jeeda Gobolada Waqooyi.

Doorashada afarta kursi ee kuraasta Aqalka Hoose ee Gobolada Waqooyi ayaa waxay tirada illaa iyo hada Muqdisho lagu doortay ka dhigeysaa 29 Xildhibaan, waxaana ka harsan 17 Xildhibaan.

Xubnaha ka soo jeeda Gobolada Waqooyi ee Somaliland ayaa doorashadooda ay tahay mid qabyo ah, iyadoo aan illaa iyo hada la dooran Xubnaha u matalaya Aqalka Sare oo wali la isku heysto.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.