Home Afsomali Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah...

Xuska 1-da Luulyo oo lagu qabtay Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobollada dalka

Guud ahaan Soomaaliya ayaa looga dabaal dagay sanad guuradii ka soo wareegtay xilligii Gobollada Koonfureed ay ka xuroobeen gumeystihii Talyaaniga iyo israacii labada gobol ee Waqooyi iyo Koonfur oo hadda laga joogo 62 sanadood.

Munaasabad ballaaran oo lagu qabtay xarunta aqalka Dowladda Hoose ee Muqdisho, laguna maamuusayo muhiimadda maalintaan ku astaysan midowgii labada gobol iyo ka xuroobiddii gumaystihii Talyaaniga gobollada koonfureed, ayaa waxaa ka qayb galay madaxda dowladda Federaalka Soomaaliya oo uu ugu horeeyo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Labada Aqal ee BJFS, Golaha Wasiirada, Maamulka Gobolka Banaadir, marti sharaf iyo dibllomaasiyiin lagu casuumay munaasabadda.

Kooxaha fanaaniinta ee Qaranka ayaa madasha ku soo bandhigay suugaan ka turjumeysa qiimaha ay maalinta oo kale u leedahay shacabka Soomaaliyeed iyo taarikhda halgamayaashii dalka soo  maray.

Waxaa si aad ah loo adkeeyay amaanka waddooyinka magaalada Muqdisho, si loo weyneeyo muhiimadda ay Ummadda u leedahay markii Gobollada Koonfur fureed ay xornimada ka qaateen gumeystirhii Talyaaniga iyo Israacii Gobollada Waqooyi iyo Koonfur.

Qaar ka md ah mas’uuliyiinta kala duwan ee xafladda ka hadlay taariikhda loo soo maray Halganka.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo ka hadlay Munaasabadda xuska 1da Luulyo ayaa Ummadda Soomaaliyeed ugu hambalyeeyey qiimaha ay maalintan u leedahay bulshada Soomaaliyeed, iaagoo u rajeeyay in sanadkan kiisa kale ay ku gaaraan Nabad iyo Barwaaqo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.