Home Afsomali Somali women Journalist Rights Association SOWJRA ayaa Muqdisho ku xustay ...

Somali women Journalist Rights Association SOWJRA ayaa Muqdisho ku xustay Maalinta caalamiga ah 8da March (DAAWO SAWIRADA )

Munasabada lagu xusayey maalinta caalamiga ah ee haweenka dunida oo uu soo qaban qaabiyey Ururka udooda xaquuqda gabdhaha saxafiyiinta Somaaliyeed SOWJRA

Xuska maalinta haweenka aduunka ayaa waxaa  ka soo qeyb galay Saxafiyiin,haween kala socday bulshada qeybaheeda kala duwan oo ay ku jireen ,haweenka ka soo laabatay qurbaha ee Somali Diaspora aqoon yahano dad u dhaqaqa arrimaha haweenka iyo marti sharaf kale .

Dhamaan Haweenkii munaasibada hadlaka ka jeediyey ayaa diirada ku saaray khudbooyinkooda ahmiyad munasabada 8 March ay u leedahay haweenka, horumarka haweenka,caqabadaha, xaquuqda haweenka, tacatiyada haweenka loo geeysta nuuc walba ay bulshada ka yihiin, xaalada adag ee xaga daruufaha tacatiyada iyo caburinta gabdhaha media yaha ka howl gala ay kala kuman xarumaha faquuqa qaybo ka mid ah bulsha ay kala kulman .

Carafo Macalim Siciid oo ah gabdhaha ka soo laabatay qurbaha qasatan Mareynka ayaa xustay in gabdhaha saxafiyiinta looga baahan yahay in ay codka haweenka meel dheer gaarsiiyaan  si looga baxo u doodid la.aanta  haysta Dumar Soomaaliyeed ayna u helaan xaquuqda ka maqan si looga  hortago dhibaatooyinka loo geeysto,

 

si loo gaaro wa in gabdhaha saxafiyiinta awood kor loo qaado kaalin muuqatan ku yeeshan warbaahinta.

Sidoo kale gabadha saxafiyiinta ee ka soo qeyb galay ayaa xusay tacatiyada haweenka ay ka Simon yihiin xaqirda ka jirta warbaahinta dhibaatooyinka ka imaanaya dhaqanka ay yihiin kuwo wax ka qabasho u baahan.

Gudoomiyaha Ururka udooda xaquuqda gabdhaha saxafiyiinta Somaaliyeed SOWJRA Leyla Cadceed Osman ayaa hambalyo u dirtay haweenka caalamka qastan haweenka Somaaliyeed iyo dumar saxafiyiinta ah munasabada 8 March, aydoo xustay xaalada adag, dhibaatooyinka ku gadaman haweenka Somaaliyeed ay u baahan yihiin si wax looga qabto in kor loo qaado wax soo saarka, awoodo, aqoonta, in ay samayn weyn ku yeeshan warbaahinta in ay helaan tageero ay ku gaaran dhaman arimahas.

Somali women Journalist Rights Association SOWJRA waxa ka xun tahay tacatiyadii kufsigii iyo dilaalkii ee ka dhacay kaalkacyo, Gurceel, Cadaado Moqdishu, Garbaaharay ,kuwas kula kacay caruur aad u yar qaarkood.

 

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.