Soomaaliya iyo dalalka kale ee dunida ayaa Shalay u dabbaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso oo ah maalin weyn oo xambaarsan dadaalkii loo soo galay dhismaha ururkaasi iyo kaalintii ay ka qaateen ka qeybgalka arri maha bulshada ,dhaqaala ha ,siyaasadda iyo guud ah aan horumarada xoogan ee ka jiray dunida.
Waxaa xusid mudan in aan ogaanno kaalin nuu cee ah ayeey haweenku ka qaateen dhaqdhaqaaqya dii iyo halgankii kale ee loo galay raadinta 8-dda Maarso?.
Dadaalkii ugu horeeyay ee loo galay raadinta sin naanta shaqada , xuquuqda taranka , ilaalinta badq abka dumarka iyo guud ahaan helidda maalin u gaar ah haweenka,waxa uu soo ifbaxay dhaamaadkii qar nigiii 18-aad iyo horaantii qarnigii 19-aad,xilligaasi oo ay bilowdeen kacdoonadii shaqaalaha ee ka curtay Mareykanka iyo Yurub .
Dhowr arrimood ayaa sabab u ahaa aasaaskii ma alinta haweenka,waxaana ka mid ahaa:-
1-halganka xoogagga shaqeeya ee haweenka ay kaga qeybgaleen kacdoonadii shaqaalaha ee looga horjeeday milkilayaasha warshadaha iyo beeraha.
2-dhismaha ururadii shaqaalaha iyo raadinta maalin iyo xuquuq u gaar ah haweenka.
Hirgainta arrimahaasi, waxa ay mideeyeen dumar kii ku noolaa wadamada Yurub , Mareykanka iyo Mid owgii Soofiyeeti ,waxaana sanadihii u dhaxeeyay 1907-1917-kii dhacay bannaanbaxyo si gaar ah loo gu raadinaayey xuquuq iyo maalin ay leeyihiin haw eenka.
Si loo xaqiijiyo hadafka, muhiimadda iyo xaqa ay haweenku u leeyihiin in la siiyo maalin u gaar ah,aa wadeed,waxaa sanadkii 1975-tii, golaha loo dhan ya hay ee qaramada midoobay ay ku dhawaaqeen in 8-da Maarso loo asteeyay xuska maalinta haweenka aduunka.
Haddaba,dalka Soomaaliya waxa uu ka mid yah ay wadamada Shalay u dabbaaldegay munasabada maalinta caalamiga ah ee 8-dda Maarso oo ah xus taariikhi ah oo lagu muujiyo waxqabadkii haweenka iyo doorkii shariiifka ahaa ee ay ku lahaayeen xoriy adda dalka iyo horumarkiisa.
Waxaa xaqiiqo ah in qeybaha haweenka ee dalka Soomaaliyeed ay kaalin wax ku ool ah ka qaateen ama ka ciyaareen dhaqdhaqaaqyadii xoriyad doonka ee ay hoggaaminaayeen ururkii SYL,kuwaas oo naf iyo maalba ku bixiyay halgankii xaq u dirirka ee lagu helay gobanimada anta.
Sidoo kale,haweenku, waxay door muhiim ah ku lahaayeen wax soo saarka beeraha,warshadaha, dhismahii ururadii bulshada ee dalka,gaar ahaan urur kii shaqaalaha ee gudaha dalka ka curtay dagaalkii labaad ka dib iyo guud ahaan ka qeybgalka barnaa mijyada horumarineed ee dalka ka hanaqaaday xilliyadii la soo dhaafay.
Inkastoo, Xilligii Xoriyadda ay aad u yaraayeen dumarka wax bartay ,haddana, dowladdi rayidka ee talada dalka la wareegtay 1960-kii,waxa ay ku guu leysatay in loo siman yahay raadinta xirfadaha sha qo, waxbarashada iyo xuquuqaha kale ee bulsha da,waxaana waqtigaasi iyo sanadihii ka dambrryay so baxay dumar leh aqoon iyo xirfado kala duwan oo wax ku kordhiyay horumarka dalka.
Dhinaca kale dowladdii kacaanka ee ay hoggaam inaayeen mileteriga Soomaaliya,iyadoo aaminsan nid aamka hantiwadaagga ,waxa ay haweenka u aqoob sadeen udub-dhexaadka bulshada ee lagama maa rmaanka u ah habka dhaqan dhaqaale ee dunidaan casriga ah.
Haweenka Soomaaliyeed,waxaa lagu tiriyaa in ay yihiin kuwa ugu badan xoogagga shaqeeya,waxayna 30-kii sano ee u dambeeyay ay u howlgaleen badba adinta iyo go’aan ka gaarista qorshaha qoyska ,kan guriga , ilaalinta caafimaadka carruurta, hannaanka dakhli-abuur iyo horumarinta hab-nololeedka guud.
Waloow ay jiraan caqabado iyo dhibaatooyin u gaar ah haweenka,haddaana,daraasad ama cilmi baars caalami ah oo la sameeyay ayaa muujineysa in furs adaha shaqo ee ay helaan dumarku ay weli yihiin ku wo ka hoseya fursadaha shaqo ee ay helaan ragga,
Shalay tirada ugu badan Xoogagga shaqeeya du nida, boqolkiiba 45.4 waa haween, waana kuwo ka dambeeya isbadal kasta oo loo qaado dhanka horu marka,sidaa daraadeed,waxaa waajib ah in xil la iska saaro kor u qaadidda xirfadaha aqooneed ee hawe enka .
Xuska maalinta caalamiga ah ee 8-maarso ee san adkaan ayaa dhacaya,xili haweenka Soomaaliyeed y wadaan olole loogu magac daray ka soo saara gurya ha garanwaaga ah,kaas oo loola jeedo kooxaha kha waarijta ee ku dhexdhuumaleysanay bulshada.
Ololahaan oo socda muddo 8 cisho ah,waxa uu ka dhaqangalay Gobolka Banaadir iyo kuwa kale ee dalka,si taageero loogu helo barnaamijkaasi oo uu hindisihiisa lahaa madaxweynaha Jamhuuriyadda Fe deraalka Soomaaliya Md.Xasan Sheekh Maxamuud.
Gabagabadii ,waxaan halkaan dhambaal hambalyo ah uga direynaa Ururada Haweenka Caalamiga ah ee Dunida,kuwaas oo Shalay u dabaaldegay xuska munaasabadda 8-dda Maarso,waxaanna u rajeyne ynaa horumar iyo barwaaqo.