Xuska Maalinta caalamiga ah Aids 1d December in la xoojiyo wacyi galinta bulshada iyo in la xuso dadkii xanuunka u geeriyooday
Ayaa waxaa ka soo qeybgalay sanator Dr dufle gudoomiyaha gudiga ka hortaga .h.i.v Aids koofurta iyo bartamaha Somalia Axmed Maxamed jimcaale masuuliyiin ka socotay bahda caafimaadka qaar ka mid ah dadka qaba xanuunka .h.i.v Aids
xanuunka h.i.v Aids ayaa gudiga iadiska qaranka
gudoomiyaha gudiga ka hortaga .h.i.v Aids koofurta iyo bartamaha Somalia Axmed Maxamed jimcaale oo munaasibada ka hadlay ayaa
sheegay in sanadihii danbe uu hoos u dhacay dadka qaba xanuunka dadka cudurka la nool ayuu sheegay in ay isugu jiraa kuwa qarsada iyo kuwa taga goobaha caafimmaadka oo xaaladooda lala socdo
Gudoomiye jimcaale ayaa ka dalbaday madaxda sare ee dowlada in taageero dhaqaale uu gudigu uga baahan yahay si loo socodsiiyo howlaha ka hortaga faafida cudurka
Xiririyaha dalada dadka qaba xanuunka iyo wasaarada caafimaadka Maxamed saciid shir oo ka mid ah dadka qaba cudurka .h.i.vAids dowlada ka codsaday in ay miisaaniyada u sameeyaan
Xiriiriye Maxamed saciid ayaa bulshada ka codsaday in aan lagu takoorin cudurka ay qabaan halku dhiga sanadkaan ayaa ah baabi.i sinaan la.aanta .
Dhinaca daawada iyo caafimaadka waxaa ka hadashay Mulki Nuur Warsame oo ku hadlaysay magaca W.H.O ayaa u mahadcelisay wasaarada caafimaadka wax qabadkeed ku aadan ka hortaga faafitaanka cudurka iadis ka
Madaxa barnaamijka arimaha bulshada ee ka hortaga xanuunka H.I.V Aids Sacdiyo cabdisamad cabdulaahi ayaa sheegtay in Somalia ay ka mid tahay wadamada ugu yar dadka qaba cudurka lana helay daawada xudurka iyada oo lagu daweeyo ilaa 23 xarumood laguna siiyo daawo lacag la.aan ah iyo wacyi galin waxayna digtay in cirbadaha la isla isticmaalo.
Prof Dr cusmaan xaaji Maxamuud dufle ayaa munaasibada xuska maalinta caalimiga ah ee ka hortaga cudurka H.i.v iadis soo gabagabeeyey wuxuuna ka sheekeeyey marxaladihii kala duwanaa ee uu soo maray cudurka iyo siyaabaha lagu kala qaado sida looga hortagi karo isaga oo sheegay in tirada dunida dadka qaba ay gaareyso 37 milyan waxaana la ogaaday jiritaankiisa 1988 kii munaasibadaan xuska ayaa markii ugu horeysay dalka laga xusay 1995 tii xili uu shaqeynayey gudiga ka hortaga cudurka dadka la nool xanuunka ayaa shaqada bilaabay 2005 tii ilaa hadana shaqada sideedii u wado Dr dufle ayaa la digay isu gudbinta cudurka oo ay ugu horeyso cirbado la isla isticmaalo iyo gogoldhaafka ay ugu horeyso
Caalamka oo dhan ayaa munaasibado kale duwan loo dhigayaa maanta sanad kasta